Qasaaraha ka dhashay Qaxyo alshabaab ay la eegteen buundada Buuloburde iyo dagmada Jalalqasi

19″ October “2022 Hiiraan

Guddoomiyihii dagmada Jalalaqsi iyo dad rayid ah oo lagu qarax lagu dilay ,iyadoo haraadiga kooxda argagixisada ah ee shabaab ay qarax naf la caari ah ay ku dumiyay buunadadii magaalada buuloburde si,ay u kala gooyaan wadada xiriirisa muqdisho iyo gobolada dhexe

Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gudoomiyihii degmadaas Max’ed Nuur Dabaashe uu ku geeriyooday qarax goor dhaw ka dhacay magaaladaas.

Wararku waxay sheegayaan in qaraxa oo ka dhacay meel u dhaw saldhig ay Jalalaqsi ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa midawga Afrika ee ATMIS.

Mas’uuliyiin kale oo maamulka degmada ka tirsan ayaa waxyeelo kasoo gaartay qaraxa.

Dagaalameyaash犀利士 a Al-shabaab ayaa qarax ku burburiyay buundada magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

Muuqaalo iyo sawirro la baahiyay ayaa muujinaya buundada oo dhinac dhan fuqay, isla markaasna gawaarida awoodin in ay ka gudbaan.

Dadka Buula-burde ayaa aad uga naxay arrintani, maadaama ay buundadu wax badan ka tareysay noloshada magaalada.

Buundada ayaa ah ayaa aad ugu muhiimsan isku socodka dad waynaha, iyada oo isku xirta gobolada dhexe ee dalka iyo Caasimadda Muqdisho

Leave a Reply