18″ December “2022”ALJAZEERA
Qatar ayaa sheegay in baaritaanka Belgium ee isku dayga lagu eedeeyay Doha in ay dooneeyso saameyn ay ku yeelato go,aanada baarlamaanka midowga Yurub uu yahay mid 壯陽藥 ku tiirsan “xog aan sax ahayn” oo”si xun” u waxyeeli kara xiriirka labada dal.
Hadalkan oo kasoo baxay diblomaasi ka tirsan ergada Qatar u jooga Midowga Yurub ayaa mar kale ku celiyay diidmo hore oo la isku dayay in dalka Khaliijka lala xiriiriyo dhaqan xumo.
Qatar ma ahayn dalka kaliya ee lagu magacaabay baaritaanka, Belgium dalkeenna si gaar ah ayaa loo dhaleeceeyay oo la weeraray,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Waxaan u kuurgalnay cambaareynta xulashada ee usbuucan ee dalkeenna si aad u weyn loo sumacad xumeeynayo
Sida laga soo xigtay warbixinnada warbaahinta, danaha Morocco ayaa sidoo kale wajahaya baaritaan kan Qatar la mid ah.
Afar qof – oo ay ku jirto Eva Kaili, oo ah guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Yurub – ayaa lagu soo oogay Belgium ka dib markii baarayaashu ay sheegeen in baaritaanka isdaba joog ah lagu helay lacag musuqmaasuq oo qiyaastii gaareeysa 1.5 milyan euros ($ 1.59m).
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in lacagtan ay qeyb ka tahay olole saameyn ah oo uu wado dowlad ka tirsan Khaliijka, kaasoo warbaahinta kala duwan ay markii dambe ku sheegeen Qatar oo ah dalka hadda martigelinaya Koobka Adduunka ee 2022-ka.
Toddobaadkii hore, baarlamaanka Yurub ayaa u codeeyay in la joojiyo gelitaanka wakiilada Qatar ee xarunta. Xubnaha ayaa sidoo kale hakiyay shaqadii sharci dejinta ee Qatar, oo ay ku jiraan ka dhaafida fiisaha Qatariyiinta iyo Kuwaitiyiinta u safraya midowga iyo heshiiska duulista ee EU-Qatar
Bayaanka ayaa sidoo kale iftiimiyay xiriirka “dhow” ee Qatar iyo Belgium in uu yahay mid aan caga adag ku taagneeyn
“Wadamadayadu way iska kaashadeen intii lagu jiray masiibada COVID-19, Qatarna waa bixiye muhiim ah oo LNG ah [gaaska dabiiciga ah] ee Belgium,” ayay tiri.
Kaili, oo ah hantiwadaaga mar loo tirinayay inay tahay siyaasi Giriig ah, ayaa laga eryay doorkeedii madaxweyne ku xigeenka baarlamaanka Yurub kadib markii la xiray. Waxa kale oo laga eryay xisbiga hantiwadaaga Giriigga ee PASOK.
Sharci-dajiyayaasha EU-da ayaa ka digay in eedeymahaasi ay halis u yihiin inay wiiqaan kalsoonida ururka