QM oo ciidamada Eritrea ku eedeysay inay dad rayid ah ku laayeen G/Tigray ee Itoobiya

New York-“5 ” March “2021

Waxaa isa soo taraya xogta laga helayo xasuuqyadii ka dhacay bilihii lasoo dhaafay ismaamulka Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya, ciidamada Eritrea oo gacan siinayey ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa la sheegay inay kumanaan shacab ah xasuuqeen

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan u doodista xaquuqda aadanaha ee Human Rights watch ayaa ku eedeysay ciidamada dalka Eritrea inay boqolaal ruux ku dileen gobolka Tigteega ee ku yaala waqooyiga dalka Itoobiya ayagoo caawinayay ciidamada Itoobiya ee dagaalka la galay maleeshiyada Tigreega dhamaadka sanadkii hore.

Warbixin hay’adda Human rights soo saartay waxay ku sheegtay in baaritaan ay sameysay ku ogaatay in ciidamada Eritrea ay xadgudubyo waa weyn ka geysteen gobolka Tigreega gaar ahaan magaalada taariikhiga ah ee Aksum la yiraahdo.

Hay’adaan waxay sheegtay in waraysiyo ay ka qaaday dad goob joogayaal ahaa ay sheegeen in ciidamada Eritrea ay si buuxda dagaalka uga weyn ahaayeen waxaana ay ka dagaalameen dhawr furimood ayagoo aan qarsooneyn.

Tirada dadka rayidka ah ee gacanta ciidamada Eritrea ku baxay waxay human rights ku sheegtay inay gaaraan illaa 200 oo ruux.

Horey sidaan oo kale hay’adda kale ee xaquuqda aadanaha u dooda ee amnesty international ayaa dawlada Eritrea ku eedeysay inay ciidamadeeda dhibaayooyin ka geysteen gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya.

Xukuumadaha Addis-Ababa iyo Asmara labada waa beeniyeen in ciidamo Eritrean gobolka Tigreega ka dagaalam

Leave a Reply