Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
Saturday ” 25 Sep 2021″Muqdisho
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa cambaareeeyay weerarkii qaraxa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Waxaa sidoo kale Qaramada Midoobey ay tacsi u dirtay eheladii dadkii ku dhintay weerarka.
Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale lagu sheegay, “waxaan markasta garab taaganahay dhammaan Soomaalida si looga hortago falalka argagaxisada ah ee foosha xun”
Ugu yaraan siddeed qof ayaa dhimatay, siddeed kalena way dhaawacmeen kadib markii gaari lagu soo rarray walxaha qarxa uu ku qarxay gaadiid taagnaa meel dhawr tallaabo u jirta bar kontorool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, gaar ahaan isgoyska ceelgaabta
Wasiirka Amniga Gudaha oo ka hadlay qarixii ka dhacay Muqdisho
qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirkii Amniga Gudaha ee uu magacaabay Ra’iisul iisul Wasaare Rooble ayuu kaga hadlay Qarixii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Isgooska Ceelgaabta ee muqdisho.
Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraalkiisa ugu horreyn si adag ugu Cambaareeyay falkii argagixisadu maanta dad shacab ah kula beegsadeen degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
“Waxaan Cambaareynayaa Falkii Waxshinimada ahaa ee maanta ka dhacay muqdisho, kaas oo ay argagixisadu ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Wasiirka ayaa sidoo kale qoysaskooda iyo Umadda Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay shacabkii ku geeryooday weerarkaasi ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee Muqdisho