3″ April “2023
Hay’addaha Qaramada Midoobay ayaa bilaabay in gargaarka gobollada SSC oo horey loo marsiin jiray dhinaca Somaliland ay usoo wareejiyaan dhinaca Puntland, xilli ay sii xoogeysatay xiisadda dagaal ee xukuumadda Somaliland iyo SSC.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, arrintaan ayaa timid kadib markii tirakoob la sameeyay ay soo baxday in dadkii ka baracay colaadda Laascaanood ay badi ku sugan yihiin Garoowe iyo deegaanada hoosyimaada gobolka Sool oo ay gacanta ku hayso SSC, oo iyadu diiday in dadkeeda gargaarka loo soo marsiiyo Somaliland.
Hay’adda UNICEF ee QM ayaa shalay saddex gaari oo xamuul ah oo waday gargaar iskugu jira daawo iyo qalabka nadaafadda geysay magaalada Garoowe, si loo sii gaarsiiyo xarumaha caafimaadka ee bulshooyinka kasoo barakacay dagaalka Laascaanood
Garaadada SSC ayaa la sheeg壯陽藥 ay inay ka gil-gisheen in mucaawinooyinka beesha caalamka iyo deeqaha kale ee loogu tala-galay dadkooda loo soo wareejiyo dhinaca SSC, oo aan loo soo marin Somaliland, oo iyadu weli diidan in gobolllada SSC ay gacanteeda ka baxaan.
Somaliland ayaa culeys badan ka wajaheysa caalamka tan iyo markii uu billowday dagaalka, iyada oo dhawaan uu Mareykanka uu luuqad adag kula hadlay xukuumadda Somaliland, oo lagu eedeeyay inay Laascaanood ka geysatay duqeymo aan loo meel dayin.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dagaalka Laascaanood uu cawaaqib uga iman karo mas’uuliyiinta maamulka Somaliland, ayada oo ugu baaqday Somaliland inay ciidamadeeda kala soo baxdo magaalada.