Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Xeer Ciise, oo ah xeer qarniyo jiray oo ay ku dhaqmaan beesha Ciise ee degta dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna ku dartay liiskeeda waxyaabaha dhaqanka aadmiga la xiriira
Aqoonsashadan taariikhiga ah ayaa lagu saleeyay sida xeerkan uu u mideeyo bulshooyinka, uu u dhowro dhaqanka uuna Geeska Afrika ugu dhiirrigeliyo caddaaladda.
In xeerkan ay aqoonsato UNESCO ayaa waxaa si wada-jir ah u gudbiyay dad kasoo kala jeeda Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa waxaa lagu ansixiyay fadhigii 19aad ee guddi-goboleedka hay’adda kaasoo lagu qabtay magaalada Asunción, ee dalka Paraguay.
UNESCO ayaa Xeer Ciise ku dooratay sida uu u xoojiyo qeynuunnada caalamiga ah sida xuquuqda haweenka iyo carruurta, dhowridda deegaanka iyo xallinta khilaafaadka.
UNESCO ayaa ammaantay hannaankan oo ay u aragtay inuu tusaale dhif ah u yahay dhaqanka sharciga ah ee nool kaasoo dhiirrigelinaya dowlad-wanaagga iyo iskaashiga isagoo sidoo kale wax ka qabanaya caqabadaha maanta sida xallinta khilaafaadka iyo dhowridda deegaanka.
Muxuu yahay, yaase sameeyay xeerkan?
Qabiilka Ciisaha oo dega Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxa uu leeyahay xeer soo jiray sida la sheegay ku dhawaad 500 oo sano. Xeerka waxaa sameeyay 100 oday oo la soo xulay, waxaana lagu sameeyey magaalada Mile tuulo hoostagto oo la yiraahdo Waaruf, deegaankaasi oo u dhaxeeya magaalada Diridhaba ee Itoobiya iyo Jabuuti.
Marka laga soo tago xeerarka ay qabaa’ilka Soomaaliyeed wadaagaan sida hoggaanka ka dhaxeeya, xeerka qof kasta qabanaya iyo in dagaalka la wada galo haddana waxay leeyihiin kuwo iyaga u gaar ah.
Waxyaabaha Ciisaha u gaarka ah waxaa ka mid ah sida uu dhigayo xeerkooda wax la yiraahdo ‘Ganda’ ayaa jira, Ganduhu wuxuu ka kooban yahay 44 oday oo talada Ciisaha ay ka go’do, waana baarlamaanka Ciisaha. Arrin weyn oo adag haddii ay dhacdana waxaa isugu imanaya boqolka oday iyo boqorka ayuu yiri Oday Adan Allaale oo ka mid ah odayaasha beesha
Sidoo kale Xeerka Ciise waxyaabaha uu xeerarka kale ee beelaha Soomaalida kaga duwan yahay waxaa ka mid ah habka loo doorto ugaaska kaas oo sida beelaha kale aan dhaxal aheyn.
Ibraahim Axmed Cali waa cilmibaare ka tirsan hay’adda dhaqamada iyo raadadkii hore ee qadiimiga CERD ee Jabuuti, waxa uu noo sheegay in xeerka la yiraahdo Daryeel iyo Dabar balse ay dadka kale u yaqaannaan Xeer Ciise.
“Wuxuu daryeelayaa ninka tabarta daran iyo wax kasta oo jilicsan halka dabarna uu u taagan yahay in uu dabro ninka gardran iyo ninka kibra,” ayuu yiri.
Ragga xeerka dhigay Qarnigii 16-aad dabayaaqadiisa magacaas ayey u bixiyeen halka guddigii fariistay loo bixiyay aayo Reeb.
“Boqol sano oo ka sii horeysay ayey kolba meel fariisanayeen odayaasha markaas ayey xeerka qodobada uu ka kooban yahay ee Aayo reeb dajiyeen”.
Ibraahim oo si fiican u darsaday taariikhda Ciisaha ayaa noo sheegay in odayaasha ay kulanka la joogtay haweenay la weydiin jiray wixii la xiriira arrimaha qoyska, carruurta, aqalka iyo dumarka.
“Haweeneydaas waxaa la oran jiray Faadumo Siti, buurtii la fadhiyay ayaa magaceeda loo bixiyay, halkaas ayeyna ku aasan tahay, gobolka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Siti la yiraahdo, magaca islaantaa ayuu ka soo jeedaa”.
Sidee loo doortaa ugaaska?
Waxyaabhaha kale ee ay ku kala duwan yihiin waxaa ka mid ah marka ay arin dhacdo beelaha Soomaaliyeed inta ay isku yimaadan ayey go’aan gaaraan halka Ciisaha ay raacaan qodobo hore u qornaa.
Habka dhaqanka ee uu ku yimaado ugaaska beesha Ciisaha ma ahan mid ku yimaada dhaxal sida ugaasyada beelaha Soomaaliyeed ee kale.
Ugaaska hadda ay beesha leedahay ma ahan wiilasha ugaaskii hore. Ugaaska marka uu dhinto ma dhaxlikaraan ubadkiisa sida ugaasyada kale. Waayo xeerka ugaaska ma ahan mid ku saleysan dhaxal. Guddiyo dhan baa u fadhiisata. Guddi gaaraya 100-ka nin ayaa fariisanaya waxaana la eegaa ugaaska meesha uu ka soo jeedo, reerka hooyadii, reerka aabbihii, dabeecadahooda sida ay ahaayeen wax badan baa laga fiirsadaa.
Sababta keentay in ugaaska doorasho ku yimaado ayaa la sheegaa in ay salka ku hayso khilaaf hore iyo dagaallo beesha dhexmaray sidaasna lagu gaaray heshiis lagu wada noolaado.
Odayaasha ayaa go’aamiyay in ugaaska uu ka soo dhaxbaxo hal reer oo kaliya balse qofka uu noqonayo la doorto.
“Ugaaska hal reer haloo daayo, dhaxalna yuusan noqon, Alle hala baryo oo astaamo halagu eego, ugaaska waa la casilaa ama wuu dhintaa, markaas ayaa qabiilka la dhexdoortaa”. Ayuu yiri Ibraahim.
Meel kasta oo dunida uu ka joogo qofka ka soo jeeda beesha Ciisa waxa uu xeerka ugu dhaqmaa si isku mid ah.
Isha: BBC