QM oo soo fara-gelisay khilaafka Axmed Madoobe iyo DF iyo Swan oo maanta…

Qaramada Midoobay ayaa si toos ah usoo farogelisay khilaafka siyaasadeed ee haatan ka dhex-qarxay Jubbaland iyo dowladda dhexe, waxaana arrintaas saaka Kismaayo u tegay ku simaha ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

James Swan oo saaka ka ambabaxay Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo, halkaas oo uu haatan kulamo xasaasi ah kula leeyahay Axmed Madoobe.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha Jubbaland iyo Swan ay haatan kulan gaar ah ay ku leeyihiin xarunta madaxtooyada, kaas oo looga hadlayo khilaafka taagan iyo xaaladda guud ee dalka.

Kulanka oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa waxaa looga arrinsanayaa xaaladda siyaasadeed iyo waxyaabihii sababay inuu Axmed Madoobe isaga baxo shirkii golaha wadatashiga qaran ee magaalada Muqdisho, kaddib markii la isku mari waayay qodobo dhowr ah oo ku aadanaa arrimaha doorashooyinka dalka iyo sida loo wajahayo.

Ujeedka ugu wayn ee socdaalka wakiilka QM ayaa ah sidii xal waara loogu helaa arrimaha doorashooyinka, la’iskuna soo dhaweyn lahaa Jubbaland iyo dowladda federaalka.

Khilaafkan cusub ee durbo soo baxay ayaa la dareemay saameyntiisa, maadaama illaa iyo hadda aan wax go’aan laga soo saarin shirkii Muqdisho, inkastoo ra’iisul wasaare Xamza uu horay u shaaciyay in shirka uu sii socdo, soona saari doonaan go’aanno wax ku ool ah.

Si kastaba, James Swan oo mar labaad loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa lagu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay doorashooyinkii 2022-kii iyo marxaladii kala guurka aheyd ee caqabadda badneyd, taas oo ugu dambeyn laga soo gudbay dibna loo doortay Xasan Sheekh, waxaase ay u muuqataa in mar kale ay soo noqotay isla caqabaddii doorashada.