26″ January ” Muqdisho”2023
Qodobo sharciyada diimeed ka qaaday Argagixisada shabaab iyo ururka dacish ayaa laga soo saaray Shirweynihii culumada somalia uga socday muqdisho oo la soo gabagabeeyay. Dheeho.com
Raysilwasaare Xamza Cabdi Bare ayaa soo xiray shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo isku raacay in argagixisada #Alshabaab iyo #Dacish ay yihiin Khawaarij dagaalka lagula jirana uu yahay mid xaq ah oo jihaad ah kadib shir 4-cisho oo uu kulan uga socday magaalada #Muqdisho.
Sntv ayaa warisay Qodobada shirweynaha culumaa,udiinka Somalia ka soo baxay oo ugu horreyn lagu cambaareeyey falkii nin xagjir ah uu ku gubay magaalada Stockholm ee dalka Swedan Kitaabka Qur’aanka Kariim ah.
Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Soomaaliya dadaalka uu geliyay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish), wuxuuna ku adkeeyey Dawladda in ay awooddeeda isu geyso ciribtirka waxa loogu yeero fikirka xagjirka ah iyo horumarinta mabaadii’da diinta suuban ee ku aaddan ilaalinta xasiloonnida, is- aqbalaadda iyo wada-nolaanshaha iyada oo la kala aragti duwan yahay.
Shirweynaha ayaa sidoo kale isku raacay in Al-Shabaab, Daacish, Shiicada iyo kooxaha la midka ah ay yihiin kooxo habawsan oo ah cadowga diinta Islaamka iyo Ummadda Soomaaliyeed, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.
Waxaa sidoo kale war-mutiyeedka lagu sheegay in Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed uu isku raacay in la macaamilka kooxaha kasoo horjeed DFS ee nooc kasta uu yahayba sida xoolo-siinta, garsoor u doonasho iyo in la qariyo qof iyaga ka mid ah, uu xaaraan yahay kana soo horjeedo dhaqanka suuban ee diinta Islaam-ka.
Ugu dambeyn waxa war-murtiyeedka lagu caddeeyey in Culimada Soomaaliyeed oo isku duuban ay Dawladda ku garab taagan yihiin dadaalka ay ku horumarinayso hannaan lagu ilaalinayo diinta Islaamka, islamarkaana ay isku raaceen in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay ilaalinta diinta