Rooble oo Xoojiyay Mowqifka Qoor iyo Cali Guudlaawe Si,Ay Wax Ka Badasho Xaaladii Cakirneeyd

27″ April “2021 MUQDISHO

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Go’aankii Hirshabeelle iyo Galmudug uga soo horjeesteen muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Qoraal dheer uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu ku shaaciyay inuu soo dhaweeyay Go’aankaas ay labada maamul uga hor yimideen muddo kordhinta labada sanno ee la sameeyay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa sheegay inuu ka xun yahay xiisadaha colaadeed ee ka jiray Magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay iyo natiijada xun ee ka dhalatay.

Waxaa kaloo uu sheegay Rooble uu dalku aadayo Doorasho, isla markaana la joojiyo dhaq-dhaqaaq kasta oo wax u dhibaya arrimaha doorashooyinka iyo xasiloonda Dalka.

Halkaan ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha.

Markii aan tixgaliyay duruufaha Adag ee uu dalku ku jiro iyo baahida loo qabo in xal deg deg ah laga gaaro arrimaha Doorashooyinka ee cakiran.

Markii aan latashi ballaaran la sameeyay qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed” Waxaan soo saaray War-murtiyeedkaan

Waxaan ku celinayaa markale sida aan uga xumahay xiisadaha colaadeed ee ka jiray Magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay iyo natiijada xun ee ka dhalatay, taas oo sababtey barakaca Shacab badan oo danyar ah.

2- Waxaan soo dhawaynayaa War-murtiyeedka ay soo saareen labada Dowlad-goboleed Hirshabelle iyo Galmudug. Dowlad-Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Benaadir, waxaan ka codsanayaa in ay qeyb ka qaataan geedi socodka nabada iyo dardar gelinta doorasho xor iyo xalaal ah.

3- Sida ku caddayd barnaamijkii xukuumadayda ee aan Baarlamaanka ka hor-aqriyay waxaan diyaar u ahay in aan dalka ka hirgaliyo doorashadii lagu heshiiyay 17-kii September 2020.

4- Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Dalka, waxaan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan in uu dalku aado Doorasho isla markaana la joojiyo dhaqdhaqaaq kasta oo wax u dhibaya arrimaha doorashooyinka iyo xasiloonda Dalka.

5- Ciidamada Qalabka sida waxaan farayaa in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah isla markaana ay sugaan Amniga, si gaar ah waxaan taliyayaasha ciidamada u farayaa in dib loogu celiyo ciidamada xeryahooda.

6- Siyaasiyiinta Mucaaradka ah waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan ficilada iyo dhaqdhaqaaqyada abuuraya Colaadda, waana in ay ku ekaadan Guryahooda iyo Goobahooda gaarka ah.

7- Doorka beesha caalamka waa muhiim, waxaan codsanayaa in ay sii wadaan taageerada ay u fidiyaan dadka iyo dowlada Soomaaliyeed.

8- Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waxaan ka codsanayaa in ay nagu garab istaagaan dedaalada nabadaynta iyo xasilinta Dalka iyo sidii aan si nabad ah doorasho uga hirgalin lahayn Dalka.

Galmudug Iyo Hirshabeelle Oo Kasoo Horjeestay Muddo Kororsiga Farmaajo

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa si wadajir ah uga soo horjeestay muddo kordhinta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ay u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxweyne Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ayaa waxaa lagu caddeeyay in labada maamul ay kasoo horjeedan nuuc kasta oo muddo kordhin ah, isla markaana sharci darro ku tilmaamay muddo kordhinta labada ee la sameeyay.

Sidoo kale maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa shaaciyay inay isla garteen in dalka laga qabto doorasho Deg-deg ah, isla markaana la fuliyo heshiiskii 17-kii September la gaaray, lana joojiyo wax kasta oo caqabad ku ah heshiiskaas.

Madaxda dowlad Goboleedyada kale ayey u baaqeen inay fuliyaan kaalintooda kaga aadan heshiiskii 17 September, iyagoona Madaxda dowladda Federaalka ka dalbaday inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah heshiiska Sep.

Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ayaa dowladda iyo Mucaaradka ugu baaqay inay joojiyaan wax kasta oo keeni kara kala fogaansho iyo xasillooni darro dalka ka dhacda, waxaana Beeshs Caalamka ay uga mahadceliyeen dadaaladii kala duwanaa ay sameeyeen, kuwaasi oo ku aadan xal u helida khilaafka taagan.

Leave a Reply