Qoor Qoor oo xarigga ka jaray garoon diyaaradeed oo laga hirgaliyay Degmada Balanbal

16″Aug”2024″ Garoonka cusub ee degmada Balanballe oo xarigga laga jaray

Madaxweyanaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta gaaray magaalada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Qoor Qoor iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Fardowso Maxamed Cigaal ayaa xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Ballanballe.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay bulshada reer Balanbale isku tashiga ay ku dhisteen Airport-kan.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa bulshada reer Balanbale ka ballan qaaday in maamulkiisu uu la dhameystiri doono waxyaabaha ka dhimman.

“Markasta waxaa inoo muhiim ah isku tashi, waana in aan kamaarano gacmo aan kuweena aheyn, reer Balanbale waxay muujiyeen deeqsinimo iyo isku xirnaan, dhamaan reer Galmudug-na waa ku caan isku tashiga,” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Balanballe Airport, laguma dhisin lacag ka timid qasnadda dowladda ama dhaqaale ka yimid caalamka ee waxaa lagu dhisay dhaqaale ay iska uruuriyeen dadka reer Balanbale oo isugu jira Qurbajoog, Qoraxjoog iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaankaas.

Dadka reer Balanbale waxaa muddo dheer ragaadiyey colaado sokeeye iyo adeeg la’aan dowladeed, waxayna gaadiid ugu safri jireen si ay diyaarad u helaan Guriceel ama Caabudwaaq oo misaafo dheer u jira, balse hadda waxay toos uga baxeen dhibaatadii ka heysatay safarada cirka ah.