Friday ” 29 ” October “2021 Dhuusamareeb
Maamulka Galmudug oo U Aqoonsaday Guriceel Degmo Buuxda ayaa yiri Cidna kama Aqbaleyno In ay hub sharci daro ah ku heysato Tuulo ka tirsan Galmudug
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa mar kale ka hadlay dagaaladii Cuslaa ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Guriceel, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidankii Ahlusunna Waljamaaca oo Magaaladaas isaga baxay.
XAYEEYSIIN
Madaxweyne Qoorqoor ayaa tacsi u diray dhammaan dadkii ku geeriyooday dagaaladii dhacay, halka kuwii ku dhaawacmay oo u rajeeyay Caafimaad, wuxuuna sheegay inay dhibaato soo gaartay dadkii shacabka ahaa ee ku barakacay Colaadii Guriceel.
Qoorqoor ayaa waxaa uu sheegay in Koox hubeysan oo wadata magaca Ahlusunna ay kusoo duushay amniga Galmudug, isla markaana arrintaas ay tahay wax aan la aqbali karin, ayna dhowr jeer ka dalbadeen Guriceel oo ay qabsadeen inay si nabad ah uga baxaan, balse ay diideen.
Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay in cidna aysan ka ogolaaneynin inay si sharci darro ah hub ugu dhex heysato tuulo kamid ah Maamulkiisa, wuxuuna Ahlusunna ka dalbaday inay si nabad ah ku raadiyaan waxa ay doonayaan.
Hadalkaan ayaa waxaa uu Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ka sheegay kulan xalay Magaalada Guriceel uu kula qaatay Maamulka magaalada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaas
XAYEEYSIIN
Dhinaca kale Kulan ay xalay ku yeesheen magaalada Guriceel oo toddobaadkan dagaalo ka dhaceen Golaha Wasiirada Galmudug ayaa isku raaciyay in magaalada Guriceel loo aqoonsado degmo buuxda.
Golaha Wasiirada Dowladda Galmudug oo warbixin ka dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dood iyo falanqeyn kadib u gacan taagay si aqlabiyad ahna u ansixiyay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Ansixinta Degmada Guriceel ayaa timid kadib markii Golaha Wasiiradu xeeriyeen warbixinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo federaalka.
Lama oga sababta ka dambeysa in si dhaqso ah loogu aqoonsado Guriceel Degmo kadib markii ay isaga baxeen ururka Ahlu Sunna.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ururka Ahlu Sunna ay dalbadeen in degmo buuxda loo aqoonsado degmada Guriceel kahor intaysan isaga bixin.