9″ January ” 2021
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa faah faahin ka ka bixiyay dadaalo ku aadan xal u helida khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa bilowga sanadkaan 2021.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in safaro kala duwan uu ka tegay Magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Muqdisho, kuwaasi oo ku doonayay lagu xaliyo tabashooyinkii ka dhashay heshiiskii laga doorashada 17-kii September ee sanadii tegay ee 2020.
Waxaa uu sheegay in Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay uu ka dalbaday in dib loo dhigo soo gudbinta Liiska Musharaxiinta, isla markaana arrintaas uu ku rabay in lagu xaliyo tabashooyinka ay ka qabaan maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Intaas kadib ayuu tilmaamay inuu kulamo kala duwan uu la qaatay Madaxweyneyaasha Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, isagoo kala hadlay sida lagu xalin karo caqabadaha ku hor gudban doorashada dalka ka dhaceysa.
Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha Galmudug ayuu sheegay in maamulada Puntland iyo Jubbaland ay u soo dhiibeen farriimo ku aadan tabashooyinka ay qabaan, isla markaana arrintaas uu u gudbiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
”Waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo in wali aysan wax jawaab ah kasoo noqon saaxiibadayda Puntland iyo Jubaland dhexdhexaadintii aan halkan u imid iyo natiijadii wanaagsanayd iyo tanaasulkii ay ii muujiyeen Madaxda Qaranka”. Ayuu yiri Qoorqoor.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo Maanta RWV Rooble uu ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed, xili ay tabashooyin qabaan maamulada Puntland iyo Jubbaland iyo Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya