MUQDISHO” RADIODALSAN
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maanta oo Arbaco dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay uu safar shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga.
Madaxweynaha Galmudug ayaa durbo markii uu soo gaaray Caasimadda dalka kulan la qaatay qaar kamid ah Guddiga farsamada ee ka Baaraan-degaya hanaanka iyo habsami u socda doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Guddiga uga mahadceliyay shaqooyinka loo idmaday, isagoo sheegay in Guddiga uu yahay mid muhiim u ah bulshada Soomaaliya, maadaama laga sugayo talo weyn oo ku aadan doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo
Isaga oo sii hadlaayay Qoorqoor ayuu Guddiga kula dardarmaay inay sii wadaan shaqooyinka adeg ay hayaan, isla markaana waxaa uu xusay inay diyaar tahay gogosha wejiga 3-aad ee Shirka Magaalada Dhuusamareeb.

Guddiga uu kulanka la qaatay Madaxweyne Qooqroor ayaa waxaa ka maqnaa xubnihii maamulada Puntland iyo Puntland ugu jiray Guddiga oo horey ay u soo magacaabeen, iyagoo weli aan soo gaarin Magaalada Muqdisho.
Si kastaba 15-ka Bishaan Agoosto ayaa la filayaa in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in wejiga 3-aad ee Shirka wadashiga ah ku yeeshaan Magaalada Dhuusamareeb, mana jiro weli diyaar garoow ku aadan shirkaas oo socda.