Qoorqoor oo Kulan La Qaatay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

3,December 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Nicolas Barlenge.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska xog wareystay arrimo dhowr ah oo ay ka midyihiin Doorashada dalka iyo  ahmiyadaha Galmudugta cusub iyo mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka wadaan Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay teegaarada joogtada ah ee Midowga Yurub la garab taaganyihiin Soomaaliya, Danjiraha ayaa ugu danbeyntii ballanqaaday in ay sii joogeyn doonaan garab istaagga Dowladda Galmudug asagoona sheegay in ay derder gelin doonaan howlaha socda.

Leave a Reply