Salman Rushdie ayaa lagu weeraray masrax ku yaal magaalada New York


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

12″ Aug”2022″Associated Press

Salman Rushdie, qoraaga qoraalkiisu horseeday hanjabaado dil ah oo uga yimid Iran sanadihii 1980-meeyadii, ayaa la weeraray xilli uu muxaadaro ka jeedinayay Koonfur-galbeed ee Gobolka New York.

Weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa goob joog u ahaa nin ku soo booday masraxa Chautauqua Institution oo bilaabay inuu feero ama tooriyeeyo Rushdie markii la soo bandhigayay. Qoraaga ayaa la qaaday ama dhulka lagu tuuray, ninkiina waa la xakameeyay

Ma cadda in Rushdie uu si xun u dhaawacmay.

Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dad u kala cararaya inay caawiyaan Salman oo ku sugnaa Machadka Chautauqua.

Booliska ayaa xaqiijiyey in qoraagan 75 jirka ah laga tooreeyey qoorta, balse ma aysan bixin faah-faahin. Waxaan sidoo kale weli caddeyn xaaladdiisa

Buugga Rushdie ee “Aayadaha Shaydaanka” ayaa laga mamnuucay Iran tan iyo 1988-kii, iyadoo Muslimiin badan ay u arkaan inuu yahay mid aflagaado ah. Sanad ka dib, hogaamiyaha geeriyooday ee Iran Ayatollah Ruhollah Khomeini ayaa soo saaray amar uu ku dalbanayo in la dilo Rushdie.

Iran sidoo kale waxay u yaboohday in ka badan $3m oo abaal marin ah qofkii dila Rushdie.

Qoraaga British-Hindiya, oo hadda ku nool Maraykanka, ayaa markii hore la dhigay ilaalin booliis, sababo la xidhiidha khataro naftiisa loo gaysanayo. Waxa uu daabacay tobanaan buug. Boqortooyada Midowday (UK) waxay ku dhufatay 2007-dii taas oo ka dhalisay mudaaharaadyo  dunida Muslimka  sparked protests

Rushdie waxa uu caan ku noqday buuggii uu ku guulaystay 1981-kii buugaagta Midnight’s Children, laakiin magaciisa waxa uu caan ka noqday adduunka oo dhan ka dib aayadaha Shaydaanka.

Machadka Chautauqua, oo qiyaastii 90km (55 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan Buffalo oo ku taal geeska miyiga ee New York, ayaa caan ku ah muxaadarooyinka taxanaha ah ee wakhtiga xagaaga. Rushdie ayaa horay uga hadlay halkaas.

Pen America, oo ah ururka qorayaasha ee u ololeeya xoriyatul qawlka, oo uu hore u hogaaminayay Rushdie, ayaa cambaareeyay weerarka Jimcihii.

“PEN America waxa ay la daalaa dhacaysay naxdin iyo argagax markii ay ka hadlaysay weerar arxan darro ah, oo qorshaysnaa oo lagu weeraray madaxwaynihii hore iyo saaxiibka adag, Salman Rushdie, kaas oo la sheegay in marar badan lagu tooriyeeyay isaga oo masraxa ku jira isaga oo ka hadlaya machadka Chautauqua ee waqooyiga New York. Maamulaha guud Suzanne Nossel ayaa bayaan ku sheegtay.

Salman Rushdie

SOURCE: AL JAZEERA, THE ASSOCIATED PRESS

Leave a Reply