8- December-2023

Qorshe culus oo Shabaab ay damacsaneyd la fashiliyay iyo xubno gacanta lagu dhigay
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan qarax lagu aasayay wadada u dhaxeeya degmada Beledweyne iyo Buula-burte
Ciidanka isgarabsanaya ayaa sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen xubin Shabaab ah oo loo xil-saaray in uu wadadaasi ku aaso miino, si ay ugu waxyeeleyaan ciidanka dagaalka kula jira iyo dadka shacabka ahba.
Qabashada Shabaab-ka ayaa timid xilli ay socdeen howl-gallo looga hortagayo dhagarta kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaleysanaya dhulka buuraleyda ah ee u dhaxeeya Beledweyne iyo Buula-burte, sida lagu sheegay bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda.
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa haatan ku howlan ama sii wada raadinta kooxda Al-Shabaab ee lagu tuhmay in ay gabbaad ka dhiganayaan dhulka buuraleyda ah, iyaga oo doonaya in 犀利士 ay aasaan walxaha qarxa.
Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana khasaare culus lagu gaarsiiyay wejigii koowaad ee dagaallada haatan ka socda dalka.
Si kastaba, wejiga koowaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ayaa hadda maraya heer geba-gebo ah, waxaana dhawaan la filayaa inuu billowdo wejiga xigga ee dagaalka, xilli dowladda Soomaaliya laga qaaday xayiraada hubka, iskuna diyaarineyso in kooxda u isticmaasho hub ka culus midkii lagu galay wejigii hore ee dagaalka.