Qowsaar markii dambe gaaray in uu qaado orodka olombikada

Emmanuel Wanyonyi waxa uu ku soo koray nolol aad sabool u aheyd tuulo ku taal galbeedka Kenya. Aad ayey u adkeyd noloshiisa maalin kasta.

Iskuulka waxa uu ka tagay isagoo 10 jir ah. Saacado badan ayuu lo’da raaci jiray. Mararka qaar bishii wuxuu qaadan jiray in ka yar labo doolar.

Wanyonyi wuxuu ahaa wiil la soo dhiigmiirtay. Mararka qaar waxba lama siineyn sidaa darteed wuu isaga tagi jiray shaqooyinka. Ugu dambeyn wuxuu qaaday 800 ee mitir olombikada kaddib markii hooy iyo cunto la siiyay.

“Nolosha adigoo carruur ah in aad xoolo raacdo way adag tahay” ayuu Wanyonyi u sheegay BBC Afrika.

“Waxaan ku fakaray in aan shaqada isaga tago oo aan dib ugu laabto tuuladeyda balse waxaan soo xusuustay noloshii adkeyd ee iga dambeysay oo aan ka soo cararay. Markaan wax yar helo walaalahey ayaan u geyn jiray si ay u cunaan”.

Wuxuu ka mid ahaa qoys ka koobnaa 11 carruur ah. Wanyonyi jid kale uma furneyn oo aan ka aheyn in uu iskuulka ka tago maadama aysan qoyskiisa awoodin lacagta imtixaanada oo aheyd soddon senti ($0.30).

Ugu dambeyn waxbarashada ayuu ku soo laabtay kaddib markii oo xoogaa ka helay xoolihii uu raacayay markaas ayuu hami yeeshay kuna biiray ciyaaraha fudud.

Ka dib waxaa si lama filaan ah oo degdeg ah u geeriyooday aabihiis oo ka shaqeynayay biyo xireenka ilaa iyo sanadkii 2018.

“Iskuulka ayuu iga reebay, lacagtii maalintaa uu helayna wuxuu iigu iibiyay kabaha orodka” ayuu yiri Wanyonyi oo hadda 20 jir ah. Wuxuu kaloo Wanyonyi sheegay in aabihii uu ahaa sida qof la ceejiyay, nabarna uu ka muuqday madaxiisa.

Maadama aan la baarin, waxa uu Wanyonyi sheegay in aysan qoyskiisa marna ogaan sababta geerida aabihiis.

“Maalintaas ayey adduunyo iigu darneyd. Xanuun ayey aheyd balse culeys kale ayaa i haystay, waxaan ku qasbanaa in aan degdeg u noqdo wiilkii reerka”.

Degdeg ayuu caan ku noqday

Emmanuel Wanyoni
Qoraalka sawirka,Emmanuel Wanyoni

Kaddib geerida aabihiis, Wanyoni wuxuu sii watay oradkiisa si uu u caawiyo qoyskiisa. Dadka way la yaabeen sababtuna waxay aheyd deegaankiisa laguma aqoon ciyaartoy orda.

“Markii uu orodka bilaabay dadka waxay ka dhigteen qof ay ku qoslaan oo ay ku maadesytaan” ayey tiri Wanyonyi hooyadii Margaret Nasimiyu.

“Waan ilmeeyay oo ka murugooday balse wiilkeyga ayaa igu yiri, hooyo ha ooyin, maalin ayaan kuu iibin doonaa dhul, nolol fiican ayaad heleysaa”.

“Waxay ila aheyd khiyaali balse Alle ayaa la jiray” ayey tiri.

Ka dib markii uu iskuulka ku soo laabtay, Wanyonyi ma haysan kabo fiican oo uu ku ordo.

“Hadii aan kabo helo waa ku ordi jiray, hadaanan helina kabo la’aan ayaan ordi jiray”

Caqabadihii uu yaraantiisa la kulmay Wanyonyi markii uu yaraa ayaa u saamaxay in uu ka gudbo dhibaatada, maskax ahaanna u adkeysto.

Bilad ayuu ka helay Paris

Wanyonyi

Kartidiisa ayaa soo jiidatay indhaha macalimiintiisa taas oo keentay in uu ka qeybgalo tartamada ka dhaca gobolada Kenya.

Tababar ma haysan balse xawaarihiisa iyo adkeysiga uu lahaa ayaa degdeg uga dhigay in uu gaaro guulo is xigxiga.

Tababaraha Wanyonyi, Claudio Berardelli, wuxuu u aqoonsaday in uu yahay qof leh karti aad u weyn.

“Adkeysi iyo xawaare ayuu lahaa” ayuu BBC Afrika u sheegay tababarahiisa oo u dhashay Talyaaniga.

Higsigiisa rikoordka adduunka

Wanyonyi

Markii uu orday olombikada wuxuu helay bilad dahab ah isagoo ku orday 40.91 ilbiriqsi , damaciisana wuu sii kordhay. Wuxuu xoogga saaray in uu jabiyo rikoorka orodka adduunka ee 800 mitir ee uu dhigay David Rudisha oo orday olombikadii London ee 2012.

“Wuxuu leeyahay awood uu isku sii riixo marka inta kale ay sii dhacayaan”, ayuu yiri tababarahiisa Beradelli.

Farsamada casriga ee isboortiga ee loo adeegsado kabo orodka iyo halka lagu ordo ayaa ka caawisay Wanyonyi in uu gaaro hiigsigiisa.

“Maba baqo sababtuna waa wixii uu soo maray, xitaa marka ay arrintu ku xun tahay, marna ma arkeysid isagoo rajo beel ah”

Wanyonyi

Wanyonyi in uu jabiyo rikoorka caalamiga uma aheyn in uu waqti cusub sameeyo ee wuxuu doonayay in uu magac ka tago.

Guushiisa ayaa gaarsiisay in uu nolosha qoyskiisa kor u qaado. Guri ka kooban saddex qol ayuu u dhisay hooyadii iyo walaalihiis. Wuxuu bixiyay qarashka iskuulka ee cunuga afaraad ee qoyska.

“Waxaan doonayaa in aan sameeyo wixii aabahey uu u sameyn lahaa carruurtiisa” ayuu yiri.

Qoyska Wanyonyi waxay isku haleynayaan dhiiranaanta uu haysto, isagana waxa uu isu diyaarinayaanciyaaraha 2025-ka.

“Marka aan dib u eego halka qoyskeyga joogeen, xoog ayaan ka qaadaa, ma hurdi karo ma nasan karo” ayuu yiri Wanyonyi oo intaas raaciyay in uu doonayo in qoyskiisu helaan nolol wanaagsan