Quraan ayaa lagu gubay bannaanka safaaradaha Masar iyo Turkiga ee Denmark

25-July-2023-REUTERS”

Quraan ayaa lagu gubay bannaanka safaaradaha Masar iyo Turkiga ee Denmark

Mudaaharaad Islaam nacayb ah oo Talaadadii ka dhacay Copenhagen oo ay sameeyeen koox xagjir ah oo lagu magacaabo Danish Patriots ee magaalada Copenhagen ayaa kusoo beegmaya kadib markii todobaadyadii lasoo dhaafay ay dalalka Sweden iyo Denmark ka dhaceen qaraxyo is xigxigay oo lagu gubay qur’aanka kariimka ah.

Koox yar oo ka mid ah mudaaharaadayaasha midigta-fog ayaa dab qabadsiiyay nuqullo ka mid ah kitaabka Quraanka kariimka ah ee Islaamka, iyagoo ku hor gubay safaaradaha Masar iyo Turkiga ee caasimadda Denmark ee Copenhagen.

Labo dhacdo oo noocaan ah ayaa sidoo kale ka dhacay dalka dariska la ah Sweden bishii lasoo dhaafay.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa isniintii ugu baaqday mas’uuliyiinta dalalka Midowga Yurub in ay si degdeg ah uga fiirsadaan waxa loogu yeero xorriyadda hadalka iyo xaqa ay u leeyihiin in ay mudaaharaad sameeyaan” iyadoo la eegayo gubashada Qur’aanka.

Turkiga ayaa Isniintii sheegay in ay si adag u cambaareynayaan waxa ay ugu yeereen “Weerarka Quursiga ah” ee lagu hayo Qur’aanka kariimka ah, waxayna ugu baaqeen Denmark inay qaaddo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga hortago “dambi nacaybka” ka dhanka ah Islaamka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ayaa talaadadii u yeertay mas’uuliyiinta Sweden si ay u cambaareeyaan ku xad gudubka qur’aanka kariimka ah.

Dowladda Denmark ayaa dhaleeceysay gubashada iyagoo ku tilmaamay “filal kicin iyo ceeb ah” balse waxay sheegtay inaysan awood u lahayn inay ka hortagto dibadbaxayaasha aan rabshadaha sameynin.

“Dadku waxay ka faa’iidaystaan ​​​​xoriyadda hadalka oo la dheereeyey marka ay mudaaharaadayaan,” Professor Trine Baumbach ayaa u sheegay Reuters.

Leave a Reply