28- October-2023

Hal bil ka hor, Jumana Emad waxay deganayd Qasa iyadoo ku jirtay marxaladaii ugu danbaysay ee uur ay lahayd.
Si farxad leh ayeya ula wadaagaysay dadkeeda sawirrada caloosheeda oo uur weyn leh, iyadoo sugaysay qorshaheeda dhalmada.
Waxay ogaatay inay sido gabadh, ninkeedu aad buu u farxay, wuxuuna diyaariyey boorsadii cisbitaalka oo ka buuxiyey alaabtii oo dhan.
Gabadhooda Tulin oo afar sano jir ah way sugi la’ayd intay la kulmi doonto walaasheed
Xamaas waxay weerar ku qaaday Israa’iil iyagoo dilay 1,400 oo qof oo Israa’iiliyiin ah, 200 oo qofna waxay ku qafaasheen weerar dhacay ilaa 7-dii Oktoobar.
Intaas ka dibna Israa’iil ayaa duqeymo aargoosi ah ku qaaday Qasa kaas oo – wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ay shegtay inay ku dhinteen in ka badan 7,000 oo qof.
“Waan cabsaday,” Jumana ayaa u sheegtay BBC. “Waxaan foolanayay iyadoo duqaymuhu u dhacayaan si isdaba joog ah.”
Iyadoo cabsanaysa, uurkeeduna gaaray sagaal bilood ayey Jumana waxay ka baxday gurigeedii iyadoo aaday guri qaraabadeedu leyihiin.Kaliya waxay hore u sii qaadatay hal jog oo dharah ,kartoon caano ah iyo boorso yar oo inanta yar ledahay. Xaaladdu waxay ahayd mid adag,” ayay ku sharraxday farriin cod ah.
Waxay shegtay in habeenkii aysan seexan, duqaymaha dhacayey owgeed

“Dumarka uurka leh ee aniga oo kale ah waxay u baahan yihiin inay socdaan laakiin dagaalka dartiis ma awoodno in aan bannaanka u baxno xitaa si aan cunto u iibsano. ” ayay intaas ku dartay.
Koronta,biyo iyo cuno la,aan oo ay u raacday internerka oo la jaray, cabsida jirtay Jumana waxay ka walwal qabtay inay ku umusho duruuftaas adag.
Jimcihii 13-kii October, Jumana waxaa qabatay fooshii.
Waxay markii hore qorshaynaysay inay aado cisbitaalka Al-Shifa ee magaalada Qasa, kaas oo ah cisbitaal weyn, balse waxa loo sheegay in culays weyni saaran yahay.
Taa beddelkeeda, Jumana waxay aaday Isbitaalka Al-Awda ee Nuseirat, oo ah isbitaal yar oo ku yaalla bartamaha marinka Qasa.
Laakiin xitaa in halkaas la gaaro aad ayay u adkeyd. Xanuunka iyo foosha ayay Jumana ku dhibtoonaysay sidoo kale waxay ku rafaaday sii i ay u heli lahayd cid kaxaysa, Taksiilayaasha way baqayaan, ambalaasyaduna waqti uma hayaan haweeney umulaysa ayey intaa sii raacisay.
Jumana waxay tilmamay in saacadaha fooshu ahaayeen kuwa adag laakiin argagax kale ayaa ahaa isna mid daran.Madaafiic xoogan ayaa ku dhacaysay guri ku dhow cisbitaalka.
“Dhawaqa madaafiicda ayaa aad u darnyd markii danbana cisbitaalka laftiisa ayuu ku dhacday,waxaan maqlayey qaylo dhinac walba ah,waxaan ka fekerayey gabadhaydi yarayd waayo way iga yara fogayd” ayey Jumana tiri.
Waxaa kaliya an ku fakarayey ayaa ahayd inaan si dhib la,aana u dhalo.
Jumana waxay ka warantay dareenkeeda naxdinta leh markii saacado ka dib fiidkii ay dhashay gabadh, taasoo ay go’aansatay inay u bixiso Taaliya.
“Oohinteedu waxay la macno ahayd inaan dhammaanteen noolnahay,” ayay dib u xasuusatay.
Ma jirin wax sariira oo la heli karay waxayna Jumana dhalitaankeeda ka dib la kulantay xanuun iyo dhiig bax, waxayna ku qasbanatay inay sugto inta la helayo sariir iyo qol la isugu geeyo.
waxan laha nasiib inan mid helo waayo dumar kale oo dhalay ayaa iyagu ku jiifay saxgada dhulka ee isbitaalka.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dadweynaha ee UNFPA ayaa ku qiyaastay in Qaza ay ku sugan yihiin ilaa 50,000 oo haween uur leh iyadoo 5,500 oo ka mid ah la filayo in ay umulaan 30ka maalmood ee soo socda.
iyadoo taasi ay jirto hadan cisbitalada ayaa buux dhafay waxaana gabaabsi ah dawooyinka iyo agabka asaasiga ee loo baahnaa si bukaanada loo daryeeo.
Maalin ka dib markii ay umushay, Jumana waxay soo dirtay muuqaal iyada oo gabadheeda yar ku haysa tgsi, kuna duudduubtay buste cad.
Waxay ka tagtay cusbitaalka si ay ugu biirto qoyskeeda, laakiin waxay tiri xataa taasi waxay ah犀利士 ayd dhibaato.
Wiishka cisbitaalka ayan shaqayn sababta oo ah koronto la’aan,Jumana waxay ku khasbanaatay inay ka soo koo dagato jaran jarada dabaqa afaraad ee cisbitaala iyadoo ilmaheeda sidata, Tani waxay iyada ku ahayd xanuun waayo wxay ahayd umul.
Markii ay ka soo baxday cisbitaalka waxaa saacado ka qaatay sidii ay u heli lahayd tagsi ay u raacday meshii ay ka timi.
“Darawadalada way cabsanayeen waqti dheer ka dib waxaan helay tagsi laakiin wuxuu dalbaday lacag badan inuu nagu qaado, madaafiicda ayaa ku dhacaysay meel an naga fogayn mana nagu dajin kairn guriga hortisa cabsida oo badnayd darteed” ayey raacisay hadalkeeda.
Jumana waxa ay sheegtay in dhalmada duruufaha adag ee sidan oo kale ah ay dhibaato u geysatay. “Maskixiyan ayaan daalay” hada ka dibna ima qorshaysna.
“Inanta yar ee Taaliya way fiican tahay wayna leedahay sifooyinka aabaheed iyo walasheed,hadii uusan dagaalku socdeen ,waxaan jeclaa inaan u dabaaldegno dhalashadeed toddobaad ka dib. Waxana ku casuumi lahaa dhamaan xubnaha qoyska” ayey tiri Jumana.
Waxay gunanadkii sheegtay inaysan garan doonin waxaa mustaqbalka ay ku sugnaan doonaan qoyskeda balse ay ku faraxsan yihiin imaatinka gabadhooda yar ee qoyska ku soo biirtay.
Iyadu waa rajadayda noloshan dagaal iyo dhimashaba
