Muxuu salka ku hayaa Socdaalka Rooble & Farmaajo ay ugu kala Ambabaxeen Qatar Iyo Ethiopia ?

Monday 4 Oktoobar 2021

Wafddi u hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray dalka Qadar kadib markii uu casuumaad ka helay amiirka dalkaas Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani, sida ay sheegtay dowladda.

Dowladda Soomaaliya wax faahfaahin ah kama aysan bixin waxa ay ku qotonto booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Qadar, balse dowladda waxay 壯陽藥 sheegtay in ujeedka booqashada xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas uu kaga qeybgalayo caleema saarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Khilaafka madaxda

“Ujeedada booqashada Ra’isul wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa ah sii xoojinta cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Qadar, Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Doha waxa uu kulan la qaadan doonaa Amiirka dalka Qadar Shiikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimu.

Dolwadda Qadar ayaa lagu yaqaanaa inay si weyn u taagersan tahay dowladda madaxweyne Farmaajo.

Qadar waxay bishii May ee sanadkan kaalin weyn ka geysatay dib usoo celinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya oo uu ka dhex taagnaa khilaaf diblumaasiyadeed.

Amiirka dalka Qadar, Sheekh Tamim Bin Hamad Al-Thani ayaa dadaal ka geystay inay heshiiyaan Soomaaliya iyo Kenya, sida uu xilliggaas xaqiijiyay Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Soomaaliya ay dib usoo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dalka Kenya. Waxay ka dmabeysay markii Amiirka dalka Qadar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani, uu dadaal ka geystay in ay heshiiyaan Soomaaliya iyo Kenya

Qadar ayaa bilooyinkii la so dhaafay ku howlanayd xallinta khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhex taagnaa Soomaaliya iyo Kenya.

Rashiid Cabdi oo falanqeeya arrimaha Geeska Afrika ayaa bartiisa Twitter-ka oso dhigay in Qadar ay ku tallaabsaneyso dadaallo ay ku dooneyso in wadahadal ay dhax dhigto Kenya iyo Soomaaliya ka hor go’aanka la filayo inay gaarto maxkamadda caddaaladda ee adduunka 12 Oktoobar kaas oo ku saabsan muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

.

“Qadar waxay bilaabeysaa wadahadal u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ka hor inta aanan la shaacin go’aanka dacwadda badda 12-ka Oktoobar”

“Xukuumadda Doha waxay ka tahay hor-deg diblumaasiyadeed oo ay ku baajineyso inuu mar kale uu sii xumaado Nairobi iyo Muqdisho.”

Rashiid ayaa intaas ku daray in Doxa ay kaashaneyso xiriirka iyo maalgelinta labada dal ay la leedahay.

Dowladda Soomaaliya waxay horey u sheegtay go’aanka dib loogu soo celiyay xiriirka labada dal uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin arrinta dacwadda badda ee labada dal.

Qadar iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeyaa xiriir qoto dheer, Qadar waxay Soomaaliya ka caawisaa mashruucyo horumarineed oo ay dalka ka fulineyso sida dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Farmaajo oo Isna Gaaray Adisababa

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa gaarey magaalada Addis Ababa, oo uu kaga qeyb galayo caleema saarka xukuumadda cusub ee ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ee dowlada Itoobiya.

Farmaajo ayaa kamid ah madaxda lagu marti qaadey ka qeyb galka munaasabadda caleema saarka xukuumada cusub ee Itoobiya, iyadoo ay ku ququlayaan marti sharafka magaalada xarunta ah ee Addis Ababa.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa la filayaa in kulamo la qaato wufuudda ka socota dalalka ka qeyb galaya munaasabaddan, si arrimo badan oo Soomaaliya iyo dalalkaasi quseeya ugga wada xaajoodaan.

Safarka ayaa farmaajo waxaa ku weheliya Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada JFS Mudane Cabdi Nuur Maxamed Axmed.

Leave a Reply