R/W Rooble ayaa soo hadalqaaday cadaalad u raadinta kiiska Ikran Isaga oo furayay munaasabada hadal jeedinta Musharaxiinta aqalka sare ee gobolada Waqooyi

Tuesday ” 28″ “September” 2021″ Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay Munaasabadda lagu furayay doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo maanta ay bilaabatay hadal jeedinta Musharaxiinta ayaa sheegay inuu u taagan yahay cadaaladda, isagoo caddeeyay in Ikraan Tahliil ay heleyso cadaalad.

Waxaan u taaganahay Cadaaladda kuwa dhibka u geystay Ikraan Tahlil ama maanta aan helno ama berri aan helno gacanta shacabka ayay soo geli doonaan, waana lala xisaabtami doonaa, qalbigiina kheyr u sheega, Maxkamadda Milateriga ayaa loo xilsaaray, go’aankeeda ayaa sugeynaa, dhammaan howlaheeda inay wadato ayaa raieynayaa horayna waa u faray, haddana waa farayaa sida ugu dhaqsiyaha badan u bilowdaan, cadaaladaas ayaa na wada deeqdo”

Ra’iisul WasaareRooble ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta la guda galayo doorashada xubnaha Aqalka sare ku matalaya Gobolada Waqooyi, waxa uuna ugu baaqay ergada wax dooraneysa in cadaalada ka shaqeeyaan ayna waxtar ku doortaan xubnaha matalaya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada inay bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, iyadoo inta badan Madaxda Dowlad Goboleedyada ku sugan yihiin xarumaha deegaanadooda, inta aan ka aheyn Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo Muqdisho ku sugan.

Eng. Rooble ayaa xusay in mar walba uu u taagan yahay caddaaladda bulshada Soomaaliyeed, isla markaana kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax laga weecin doonin hannaanka caddaaladda loogu raadinayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in xiligaan muhiimka ah ee dalku ku jiro doorashada loo midoobo amniga, meelna looga soo wada-jeesto wax walba oo ammaanka wax u dhimaya.

XAYEEYSIIS

Hadal jeedinta Musharaxiinta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo ka bilabaty Hoolka Teendhada Afisyoone

Musaanabadda Furitaanka Hadal jeedinta ayaa waxa ka qayb Galay Ra’iisul wasaaraha Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo marti Sharaf tiro kale

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hadal u jeediyey murashaxiinta iyo Ergada Aqalka Sare Gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dhammeystirka qabsoomidda doorashooyinka dalka

Hadal jeedinta ayaa qorshuhu yahay in maanta la soo gabo gabeeyo iyadoo isla beri ba ay bilaaban doonto Doorashada Xubnaha Aqalka Sare.

Leave a Reply