R/W Xamse Oo Sheegay In Deegaannada Laga Saaray AL-Shabaab Ay Dowladdu Geyn Doonto Adeegyada loo baahan yahay

12″ December ” 20222″

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa sheegay in aan la aqbali karin hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed  in ay u dhintaan daryeel la’aan caafimaad.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay kulanka isku duwidda hawlaha nidaamka caafimaadka Soomaaliya iyo xuska maalinta caalamiga ah ee yoolka caafimaadka, ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ku dadaaleyso in dalka laga saaro AL-Shabaab, lana sugo amniga, si dalka oo dhan ay uga billaabato nolol bulsho oo wanaagsan.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ballan qaaday in xukuumaddu ay deegaannada lagala wareegay AL-Shabaab ay geyn doonto adeegyada aasaasiga ah ee shacabku dowladda uga baahan yihiin oo uu ugu horreeyo adeeg caafimaad.

Leave a Reply