R/W Xamza iyo Joe Biden oo kulmay iyo arrimo xasaasi ah oo looga hadlay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Kulanka labada masuul oo dhacay intii lagu guda jiray shirka guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York, ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyey dowladda Mareykanka iyo shacabkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada muhiimka ah ee amniga, dib-u-dhiska dowladnimada, iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweyne Biden ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida, midnimada iyo gobonimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo qiray in ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo doceedyo muhiim ah oo ra’iisul wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre oo ku sugan madasha kalfadhiga Golaha Guud ee QM uu ka wado halkaasi, kuwaas oo uu la yeelanayay saacadihii u dambeeyay madaxda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi kulan muhiim ah kula yeeshay madax uu kamid yahay wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibedda ee Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhboot Nahyan al Al Nahyan iyo madaxweynaha Suudaan Abdel-Fattah Al-Burhan Abdelrahman, oo iyaguna qeyb ka ah madaxda ka qeyb-galeysa golaha guud ee QM.

Si kastaba, kulamadan ayaa xooga saareeyay sare u qaadida xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya dalalkaasi iyo iskaashiga la-dagaallanka argagixisada oo ay haatan dadaal badan gelinayso dowladda.