21- September-2023
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada New York ayaa wareysi gaar ah siiyay VOA, wuxuuna ka hadlay arrimo ku aadan safarkiisa Mareykanka iyo ajandihiisa kuwa ugu muhiimsan.
Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu si guul ah ugu socdo safarkiisa, isla-markaana uu ka qayb-galii shirkii golaha guud ee QM iyo kulamo kale oo muhiim ah.
Waxa uu tilmaamay in ay kala hadlayaan caalamka dagaalka Al-Shabaab iyo sidii taageero loo siin lahaa ciidanka Xoogga dalka oo haatan sameynaya dib u kabasho ballaaran.
Xamza ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta cunaqabateynta hubka ee weli saaran Somalia, wuxuuna shaaca ka qaaday in madaxda adduunka ay ka codsanayaan in Somalia laga qaado cunaqabateynta, maadaama ay hadda dagaal adag kula jirto Al-Shabaab.
“Waxaan rabnaa in nagala q犀利士 aado cunaqabateynta hubka ee muddada dheer ee ina saarnayd ee 1992-dii la saaray dalka, waa cunqabateyntii ugu dheereyd ee dal la saaro oo haddana ugu ballaarnayd oo runtii meel walba laga xiro, taas waxaa weeye dunida ku codsaneynaa,” ayuu wareysigan ku yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qodobka kale ee muhiimka ah uu yahay arrinta dayn cafinta oo uu xusay inay kala hadlaan madaxda ku sugan magaalada New York.
Ra’iisul wasaare Xamza ayaa shaaca ka qaaday in dadaalka ay waddo xukuumadda uu marayo gabagabo, isla-markaana dhamaanka sanadkan laga dhamaan doono dayn cafinta.
“Arrinta kale waa dayn cafinta oo aan safiican uga soo shaqeynay ayaan Precess-keedii ku jirnaa waxaan rajeyneynaa bisha 12-aad ee sanadkan in dayn cafiskaas uu dhamaanaayo” ayuu mar kale wareysiga ku yiro ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.