Ergo u kala Dabqaadeeysa DF iyo Jubaland Ayaa la kulmay R/Wasaare Xamza

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ku qaabilay hoygiisa wafdi ka socda dowladda Kenya kaas oo horay u tegay Kismaato, si uu dhex-dhexaadin u sameeyo.

Xubnaha wafdiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha soo gaarsiiyay dhambaal iyo salaan ay ka wadeen Madaxweynaha Kenya, William Ruto, waxaana ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dariska ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo ganacsiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wafdigan ka socday dowladda Kenya, doorka dowladda Kenya ee ku aaddan taageerada dowlad dhiska Soomaaliya, iyo xasilloonida gobolka.

Xubnaha wafdiga ayaa kala ahaa Amb Mahboub Moallin, Amb Mohamed Abdi Affey iyo Hon Abdirahman Ali Hassan Colow.

Inta uu socday shirkooda ayaa waxaa si gaar ah loogu falanqeeyay dadaallada ay wadaan wafdigan Kenyaanka ah oo kala ah Amb Mahboub Moallin, Amb Mohamed Abdi Affey iyo Hon Abdirahman Ali Hassan Colow, kuwaas oo ra’iisul wasaaraha u gudbiyay qorshahooda iyo halka uu marayo dadaalka ay wadaan ee dhex-dhexaadinta.

Dhankiisa ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wafdigan ka socday dowladda Kenya, doorkooda  ku aaddan taageerada dowlad dhiska Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.

Kulankan ayaa ah mid hordhac ah, waxaana la filayaa in Villa Soomaaliya ay kasii socdaan shirar looga hadlayo xiisadda u dhexeyso dowladda dhexe iyo Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kenya ka dalbaday inay arrinta soo gasho, si ay ula hadasho Axmed Madoobe, siday ay horay u xaqiijisay madaxtooyada Jubbaland oo booqashadooda koowaad ku tageen wafdiga Kenya, si u guda galaan arrinta loo xilsaaray.

Si kastaba, illaa iyo hadda mamuuqato wax u qabsoomay ergada Kenyaanka ah, waxaana weli Axmed Madoobe uu wataa qorshihiisa gaarka ah ee qabashada doorashada Jubbaland.