R/W Xamza oo safarkiisii Baydhabo gacma marnaa kala soo laabtay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo maalmahan safar ku joogay magaalada Baydhabo ayaa galabta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uusan kasoo dhoofin garoonka magaalada Baydhabo, waxa uu qaaday kormeer ku tegay Terminalka garoonka oo la keenay qalab casri ah.

Qalabkan cusub ee ra’iisul wasaaraha indhaha soo saaray ayaa la filayo in uu gacan ka geysto hagaajinta adeega duulista hawada ee magaalada iyo Koonfur Galbeed guud ahaan.

Qalabka cusub ee la keenay garoonka Baydhabo ayaa ah mid kaalin weyn ka qaadan doona fududeynta safarrada, kordhinta amniga, iyo horumarinta adeegyada macaamiisha

Xamza oo maalmihii dambe ku sugnaa Baydhaba, ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxweynaha Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka, qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulammadaas oo uu goobjoog ka ahaa Lafta-gareen ayaa qeyb ka ah socdaalka raiisul wasaaraha ee Baydhabo oo ujeedkiisu ahaa xoojinga nabadda, wadajirka bulshada iyo horumarinta dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.