R/Wasaaraha Somalia oo cambaareeyay qaraxyo ka dhacay Beledwayne ooy Ku dhinteen in kabadan 20 qof

3″ October “2022”‘Baladweyne

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka hadlay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledwayne ee Gobolka Hiiraan.

“Falkaan wuxuu caddeyn u yahay sida ay weli ugu ooman yihiin kooxaha nabadiidku daadinta dhiigga dadka Shacabka ah, waana mid ay rabaan in ay ku niyad jabiyaan dadka u istaagay dagaalkooda, dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee maalin walba ay daadinayaan ma’ahaan  mid looga hari doono” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray in Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adaha kale ee dowladdu gurmad deg-deg ah u fidiyaan dhaawacyada ka dhashay qaraxa.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada dadkii naftooda ku weeyey weerarkii maanta ka dhacay Beledweyne, waxuuna Allah uga baryey caafimaad deg-deg ah in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada da犀利士 dkii naftooda ku weeyey weerarkii maanta ka dhacay Beledweyne, waxuuna Allah uga baryey caafimaad deg-deg ah in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.

Waa qarixii saddexaad oo saacado gudahood ka dhaca xirada Lama galaay ee magaalada Beledwayne.

Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhadhay qaraxa goordhaw ka dhacay Beledwayne.

Laamaha Ammaanka iyo Gawaarida Gurmadka deg dega ayaa soo gaaray goobta ay wax ka dhaceen, iyaga oo ku howlan caawinta dadka ku waxyeeloobay.

Qaraxyadan yaa timid xili Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka oo la wareegay deegaanno ka tirsan G/Hiiraan

Ciidamada Dowladda iyo Dadka Deegaanka ayaa maanta la wareegay Tuulooyin hoos yimaada deegaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hoggaamineysa howgalka ayaa sheegay in ay saaka la wareegeen tuulooyinka Butaale, Kukeyle, Habeenno iyo Diiro kuwaas oo dhammaan ku teedsan deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada la wareegay deegaannadan ayaa ah Ururka 3-aad ee Kumaandooska Gor-gor oo ka yimid magaalada Dhuusamareeb, waxaana ay ku wajahan yihiin Deegaanka Yasooman.

Leave a Reply