R/Wasaare Rooblbe ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Danjirayaasha 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika.

Tuesday ” 9″ November “2021” Muqdisho” SONNA

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay Safiirrada 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay Danjire Maxamed Gad oo ah wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika, waxaana kulankaas diiradda lagu saaray howlaha ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya iyo xoojinta Iskaashiga DFS iyo Midowga Afrika.

Wasiirro uu ku jiro wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaahsiga Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa R/wasaaraha ku wehliyey shirka uu maanta xafiiskiisa kula yeeshay wafdiga ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika oo gelinkii dambe ee shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulankaan iyo mid ka horeeyey oo Xaline uu Wasiir Maxamed Cabdirisaaq kula yeeshay saraakiishaan ka socota Midowga Afrika ayaa diirada lagu saaray ka hadalka sii joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya iyo sidii AMISOM ay ammaanka dalka ugu wareejin laheyd ciidanka xoogga Soomaaliya.

kulanka Ayaa Daba Socda

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Simon Mulongo ka dhigtay ‘persona non grata’ (qof aan dalka laga rabin).

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ay u dirtay Guddiga Midowga Afrika waxay Simon Mulongo, oo u dhashay dalka Uganda, ku eedeysay “dhaq-dhaqaaqyo aan la jaanqaadi karin waajibaadka shaqo ee AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soo犀利士 maaliya.”

Simon Mulongo
Simon Mulongo

Dowladda federaalka Soomaaliya ma aysan faah-faahin waxa ay yihiin dhaq-dhaqaaqyadaas.

Qoraalka Wasaaradda Arrrimaha Dibadda ayaa Guddiga Midowga Afrika ku wargeliyey in Simon Mulongo uu dalka uga baxo muddo toddobada maalmood gudahood.

Qoraal kooban oo uu bartiisa twitter-ka soo dhigay wasiirka arrrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayuu ku sheegay in dowladda federaalka ay la xisaabtami doonto shaqaalaha Amisom, gaar ahaan kuwa haya xilalka hoggaanka ee laga filayo inay ka foggaadaan wax wax u dhimi kara sharaftooda marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo ee QM iyo Midowga Afrika.

Leave a Reply