24″ March “2022” Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo khamiis ah kulan la qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Fransisco Madiera.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday kaalinta AMISOM ee amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka, ka dib falalkii argagixiso ee shalay ka kala dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne.

Labada masuul ayaa ka wadahadlay kaalinta AMISOM ee amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka, kadib markii weerar ay Al-shabaab ku壯陽藥 qaadeen meel u dhow xerada Xalane Muqdisho, islamarkaana ay ku carqaladeynayeen doorashada dalka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska R/Wasaare Rooble