Thursday ” Aug” 19″ 2021 ” Muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Masa犀利士 r
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Masar, kordhinta deeqaha Waxbarashada Masar siiso ardayda Soomaaliyeed, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga, waxaana si guul ah ku soo dhamaatay booqashada wafdiga uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Dalka.
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdiga uu hogaaminayay waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda, maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.
R/wasaare rooble iyo madaxd maamugoboldeedyada oo Marti,qaad ka helay dalka boqortooyada Saudi Arabia
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ayaa la filayaa in maalmaha soo socda safar ku tagaan dalka Sacuudi Carabiya.
Wararku waxaa ay sheegayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo RW Rooble ay ku wajahan yihiin Dalka Sacuudiga,kaddib markii sida la sheegay ay martiqaad ka heleen Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in Dowladda Sacuudigu ay Madaxda uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha ay qaabili doonto, lamana shaacin ujeedka rasmiga ah ee safarkooda hayeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda Sucuudiga ay qorsheyneyso dib u soo celinta xirriirka Soomaaliya oo aad aad u xumaa afartii sano ee la soo dhaafay.