19″ May”2022″ Dubai
Wakaalada Imaaraadka Carabta wararka u faafisa ee WAM ayaa qortay in dowladda Imaaraadka Carabta ay amar ku bixisay in Soomaaliya ay la wareegto lacag dhan 35 Million oo Dollar, si looga tageero arrimaha gargaarka iyo horumarinta dalka.
Amarkan ayaa waxaa bixiyay Madaxweynaha cus ee Imaaraadka carabta Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, isagoona sheegay in wax loog qabto dadka ay saameynta ku yeesheen abaarta ka jirta Soomaaliya.
Go’aankan ayaa ka dambeeyay kadib markii saacado ka hor ay Xukuumadda Soomaaliya ay $9.5 Milyan ku wareejisay Dowladda Imaaraadka carabta.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee caasimadda Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu uga qeyb galayo tacsida madaxweynihii geeriyooday ee dalka Imaaraaadka Carabta Sheikh Khalifa Bin Zayid.
Sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ma壯陽藥 daxweynaha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan gaarsiinayaa dhambaal hambalyo iyo salaan ah oo uu uga sido madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.
Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Abu Dhabi ku soo dhaweeyay wasiirka caddaaladda ee dalka Imaaraadka Carabta Mudane Cabdalla Alnuceymi.
Ra’iisul Wasaaraha waxaa booqashadii Imaaraadka ku wehliya Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Alcadaala iyo mas’uuliyiin kale.