Wednesday ” 8 ” Sep” 2021″ Muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08/09/2021 Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha.
Raysilwasaare rooble ayaa u mahdceliyay wasiirkii hore ee amniga xasan xundubeey oo uu Ku amaanay shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.
Magacaabista wasiirkan cusub ee Cabdulaahi maxamed nuur ayaa timid xili lagu jiro marxalad xasaasi ah oo uu sii xoogeeysanyo khilaafka ka dhashay kiiskii Ikraan tahliil