12″ May”2022″ Muqdisho””

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa iyo xarunta Xukuumadda ku qaabilay halgamaa Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi dhagax oo sanadkii 2017-kii si sharciga baar marsan loogu gacan galiyay Dowladda Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Qalbi dhagax ka xaalmariyay gaboodfalkii lagula kacay isaga iyo ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Jannaayo ee sanadkan baa’isay go’aan ay horay u gaareen Golaha Wasiirradu, kaas oo Qalbi dhagax iyo ONLF ku tilmaamay argagixiso.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Halgamaa Cabdikariim Sh. Muuse Qalbidhagax huwiyay calanka jamhuuriyadda, guddoonsiiyayna billad, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen, muwaadinkan Soomaaliyeed ee sida gardarrada ah loogu gacan galiyay dal shisheeye.
