Somaliland ayaa Cambaareeysay Booqashada Xubno Ka Tirsan Dawlada Somaliya Oo Tagay Magaalada Laascanood

16- September-2023

Maamulka Somaliland ayaa Cambaaraynayay socdaal ay xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo maamul goboleedka Puntland ah ay ku tageen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ka mid ah gobolada ay Somaliland sheegato.

Maamulka Muusa Biixi oo soo saaray qoraal ayaa Booqashada ku tilmaamay daandaansi cad oo meel ka dhac ku ah waxa uu ugu yeeray midnimada dhuleed ee Somaliland, iyada oo socdaalkani uu yimid kadi. markii ciidamada Somaliland lagu jabiyay Dagaal 11 bilood qaatay ooy la baleen maleeshiyada beesha dhulbahante kuwaas oo ku dhawaaqay maamulka Qaatumo oo ka sii faliirmay Somaliland oo iyaduna sheegta inay ka go,a day Somalia

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay marar badan caddaysay in colaadda Laascaanood ay dad aan u dhalan deegaanka Laascaanod oo shisheeye ahi  ay huriyaan si ay khalkhal u galiyaan xasiloonida Jamhuuriyadda Somaliland iyaga oo doonaya in ay sameeyaan soohdimo qabiilnimo ku dhisan si ay Meesha uga saaraan xuduudaha la yaqaano ee Jamhuuriyadda Somaliland leedahay oo ay Qaaradda Afrika ku heshiisay in la dhawro.

Daandaansiga ka dhanka ah Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay halis gelinaysaa xasiloonida mandaqadda Geeska Afrika oo muhim u ah xasiloonida caalamka.

Xukuumadda Somaliland waxa ay qaadi doontaa tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso madaxbanaanideeda, qaranimadeeda,  iyo nabad-gelyada mandaqada ay ku taallo.

Sidoo kale, Xukuumadda Somaliland waxay si weyn uga walaacsan tahay khataraha ka iman kara kooxaha argagagixisad ee Al-shabaab iyo xulafadeeda oo isku balaadhinaya magaalada Laascaanood iyaga oo qorsheynaya in ay saldhig cusub ka samaystaan gobolka Sool taasi oo khatar weyn ku ah  Geeska Africa fududaynaysana in ururada argagixisada ah ay sii xoojiyaan falalka xagjirnimada iyo amni darada ah ee ay gobolka ka wadaan.

Leave a Reply