R/Wasaare Xamsa : Dowladu waxay dagaal adag la gashay argagixiso Ku dhawaad ​​20 sano isku fidineeysay Somalia

16- September-2023- Muqdisho

R/Wasaare Xamsa :oo la hadlay Aljazeera ayaa sheegay in Dowladiisu ay dagaal adag la gashay argagixiso ku dhawaad ​​20 sano isku fidineeysay dhilka Somalia

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay sababta, mudo gaaban loogu soon afjari la,ayahay dagaalka Al-Shabaab iyadoo ay jirto haba yaraatee taageero caalami ah ooy dowladu ku gacansiinaya dagaalka kooxda hubaysan oo weli saameyn ku leh koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

Hadda, dowladda oo qaaday weerarro xooggan oo ay ku doonayso inay Al-shabaab, dalka uga sifeeyso ayaa maleeshiyaada argagixisada kala wareegtay deegaano badan ooy xakumijireen intii aan la ridin maamulkii farmaajo

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagu shaqsi ahaan bilaabay in uu hogaaminaya dagaalka, lagula jiro Al-Shabaab Iyadoo taas taas kaliya aysan aheyn caqabada hortaagan dowladda.

Sannado dheer oo abaaro ah, kala qaybsanaan siyaasadeed iyo kor u kaca qilaafyada Ismaamul goboleedyada ayaa keenaya dhibaatooyin lugjiidayay in laysu kaashado dagaalka Al-Shabaab oo ah koox Somalia u diidan xasilooni caga adag ku taagan

Qodobadaan ayaa ah qaar kamid ah qodobada uu ra’iisul壯陽藥 wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu Aljazeera kala hadlay.