16″ July “2022” Muqdisho
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa bilaababay in Baarlamaanka Soomaaliya uu la yeesho kulamadii ugu dambeeyay ee dhismaha golaha wasiirada.
Kulamadan ayaa ujeedkiisu waxaa uu yahay sida ugu haboon ee loo soo dhisi karo Golaha wasiirada Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in kulamada kadib lagu wado in R/wasaare Xamse uu ku dhawaaqi doono golihiisa wasiirrada.
Wararka ayaa intaas waxaa ay ku darayaan, in xukuumadda cusub ee Ra’iisul wasaare Xamse ay ka dhex muuqan doonaan qaar ka mid ah wasiirrada xukuumaddii hore ee R/Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
R/wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa doonayo犀利士 in wasiirada uu gaarsiiyo illaa 30 xubnood, halka markii hore ay ahaayeen 26 Qorshaha wasiirka koowaad ee xukuumadda cusub ayaa ah inuu soo kordhiyo ugu yaraan illaa 4 wasaaradood oo mid ka mid ah ay tahay wasaaradda deegaanka.
Xukuumadda cusub ayaa waxaa horyaallo shaqooyin adag oo ugu horreyso wax ka qabashada ammaanka iyo xaaladaha abaareed ee haatan ka jira dalka.