8″ March “2023″
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso ayaa haweenka Soomaaliyeed ku ammaanay doorka ay ka qaadanayaan horumarinta bulshada.
Xamse ayaa xusay sida ay uga go’an tahay Xukuumaddiisa ilaalinta Xaquuqda Haweenka iyo doorkooda ku aadden ka qeyb galka siyaasadda iyo arrimaha bulshada.
“Xukuumadda Dan-Qaran waxaa ka go’an gabdhaha Soomaaliyeed in la ilaaliyo, gabdhaha Soomaaliyeed in wax la baro, gabdhaha Soomaaliyeed dhaqaalahooda in kor loo qaado oo xaquuqdooda gabarnimo iyo midda Ilaahay siiyey la difaaco, shaqada markii la galay ee Wasiirro la noqday gabdhaha Soomaaliyeed waa kuwa ugu kartida badan, uguna musuqa
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku bogaadiyay Haweenka Soomaaliyeed doorka ay ku leeyihiin amniga iyo dagaalka dalka looga saarayo Al-Shabaab, isaga oo uga mahadceliyey kaalintooda muhiimka ah.