R/wasaare Xamza oo ergeyga Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika kala Hadlay Garadarada Itoobiya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Mr. Heiko Nitzschke.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergayga Gaarka ah ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jarmalka.
Ergayga Gaarka ah ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya horumarka dhinacyada kala duwan ee ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay, oo ay ka mid ahaayeen deyn-cafinta, ku biirista East African Community, qaadista cunaqabateynta iyo in Soomaaliya ay ku guuleysatay kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025 — 2026.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa isna uga mahadceliyay dowladda Jarmalka taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo dadaalkeeda ku aaddan xasilloonida gobolka
Sidoo kale Wasiirka Difaaca oo daan-daansiga Itoobiya kala
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika Amb. Heiko Nitzschke.
Wasiirka iyo Ergayga ayaa kulankooda diiradda ku saaray howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta iyo taageerada ay dowladda Jarmalka siin karto ciidanka xoogga dalka.
Sidoo kale labada masuul ayaa kulankooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin wareejinta howlgalkii ATMIS, u guuridda howlgalka cusub ee AUSSOM iyo xaqiijinta amniga guud ee Soomaaliya.
Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga hadlay walaaca gobolka ee la xiriira ku xad-gudubka Itoobiya ee madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Wasiirka Difaaca Dowladda Soomalaiya ayaa Jarmalka ka dalbatay inay xoojiyaan mowqifka Soomaaliya ee ilaalinta madax-bannaanida qaranka.
Jarmalka ayaa kamid ah dowladaha muhiimka ah ee Yurub, waxayna Soomaaliya ku tagaeereen qadiyadda ay ka taagan tahay xad-gudubka Itoobiya oo noqday mid caalamka dhan u wada jeedo