Ma Dhabaa In Jilaaga Filmida Bollywood’ka ee Hrithik Roshan uu Barta TikTok Ugu soo jawaabay gabar Somali ah ?

22- September-2023- BBC

Dhowaanahan waxaa baraha bulshada ee Soomaalida qabsaday muuqaal ay dad badani ku tilmaameen in uu soo duubay jilaaga reer Hindiya Hrithik Roshan, kaas oo uu ku sheegayo in uu ‘jecelyahay’ Soomaaliya iyo Soomaalidaba.

Barta TikTok ayaa lagu shaaciyay muuqaalka, oo muujinaya inuu u jawaabayo gabar dhinaca aragtidayada dadweynaha ama ‘commentiyada’ ugu qortay in au taageerto kana soo jeeddo Soomaaliya.

Waxaa jira barnaamijyo kumbiyuutar badan oo ah nuuca garaadka macmalka ah, kuwaas loo isticmaali karo in lagu abuuro cod iyo muuqaalo dad iyada oo loo ekeysiinayo in uu qofku duubay amaba uu hadlayo.

Si loo abuuro muuqaal ama codka qofka oo hadlaya, ayaa kaliya waxaa loo baahan karaa in sawir ama cod uu qofku horay u lahaa la halo, kadibna barnaamijka garaadka macmalka ah ayaa abuuraya muuqaal cusub oo qofku hadlayo, balse been abuur ah.

Falanqayn aan ku sameynay muuqaalka, waxaa muuqatay in bishimaha Hrithik Roshan iyo codka erayada uu dhahayo aysan is socon, ama uusan sida dabiiciga ah ee bani,aadanku u dhaqaajiyo xubnaha wajigiisa uusan u dhaqaaqayn, taasina ay sii badisay shakiga ah in uusan muuqaalkan duubin ee ay tahay wax la farsameeyay.

Hrithik

Waxa la arki karay in Soomaali badan ay ka hadleen muuqaalka, iyagoo la dhacsan jawaabta jilaaga balse taa beddelkeeda aysan xisaabta ku darsan waxaka run ah waxan lasoo bandhigay.

Dhanka kale atoorahan caanga ah ayaan lahayn ciwaan la aqoonsayahay oo barta TikTok-ga ah, waxaase jira ciwaanno badan oo ku furan magiciisa gebi ahaantoodna uusan ku jirin mid ay aqoonsantahay shirkadda TikTok-ga amaba ay saarantahaya calaamadda buluugga ah

Maxaa kala qabsaday Hrithik Roshan iyo tageerayaashiisa billowgii safarkiisa jilliinka?

Filim soo saaraha reer Hindiya Rakesh Roshan ayaa mar sii horreysay si faah-faahsan uga sheekeeyay dhacdo ku saabsan maalintii uu wiilkiisa Hrithik qol isku soo xiray, isagoo oynaya, ka dib markii uu soo baxay filimkiisii ugu horreeyay ee Kaho Naa… Pyaar Hai.

Roshan ayaa sheegay in Hrithik uu culeys badan dareemay markii uu habeen dhan ahaa qof ay dadka oo dhan jecleysanayaan, sida ay tabiyeen wargeyska Hindustan Times iyo qaar badan oo ka mid ah warbaahinta kale ee Hindiya.

Sanadkii 2000 ayuu Hrithik markii ugu horreysay kasoo muuqday filimka uu aabihiis sameeyay, oo sidoo kale ay atariisho ka ahayd Amisha Patel.

Wareysi uu Mr Roshan siiyay warbaahinta The Quint ayuu dib ugu soo xasuustay dhacdadaas, isagoo sheegay in wiilkisa uu guriga yimid isagoo ka fikiraya sida ay noqotay natiijada tijaabadii ku saabsaneyd inuu ku habboon yahay jilista filimada iyo inkale.

Wuxuu Roshan yiri: “Waan xasuustaa dhacdadan, waxay ahayd saddex ama afar bilood ka dib markii uu soo baxay filimka. Hrithik qolkiisa ayuu ku dhex oynayay. Wuxuu dhahayay, ‘aniga arrintan ma xamili karo. Ma shaqeyn karo, ma aadi karo studio-ga.

Waxaa jira basas gabdho iyo wiilal ka buuxaan oo doonaya inay ila kulmaan. Ma heli doono fursad aan wax ku barto, ama wax ku jilo, ama aan diiradda ku saaro shaqadeyda. Qof walba wuxuu doonayaa inuu ila kulmo.’ markaas ka dib ayaan aniga ku dhahay, ‘kasoo qaad in xaaladdan aysan waligeed ku qabsanin, maxaa dhici lahaa markaas? Waa inaad u qaabishaa sidii barako laguugu talagalay, isku day inaad la qabsatid, shaqadaadana wado, ha u qaadanin dhibaato,’ wuuna i fahmay”.

Waa kuma Hrithik Roshan?

Hrithik Roshan waa jilaa u dhashay dalka Hindiya, waxa uu dhashay 10-kii janaayo sanadkii 1974-tii taasi oo ka dhigeysa 49 jir ay bilo yar uga dhimanyihiin da’aaddii 50-aad.

Waxa ku xiran malaayiin taageerayaal ah oo ku kala sugan daafaha dunida iyadoo aad loo xiiseeyo hab jilliinkiisa iyo qoob kaciyaarka uu soo bandhigo ee lagu tilmaamo in uu kaga duwanyahay inta badan jilayaasha Hindida.

Taageeyaasha sida aadka ah ugu xiran waxaa kamida Soomaalida oo kala socota qaybaha kala duwan ee barihiisa bulshada aadna u daawada aflaantiisa.

Hrithik Roshan

Leave a Reply