New York, 22 Sebtember, 2023: – Dheeho
Raysilwasaare Xamsa Oo La Kulmay Antonio Guterres.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qarmada Midoobay iyo Soomaaliya, iyaga oo si gaar iskula soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, isbeddelka cimillada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara
Raysilwasaare Xamsa Oo La Kulmay Madaxweyne Joe Biden
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta, qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ciidamadeena qaranku ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.
Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.