4-‘March-2024
R/wasaarihii hore ee Somalia Maxamed Xuseen Rooble: Hogaamiye aan loogu yeeri karin dibindaabyeenta dalkiisa🇸🇴
Hayaanka dowladnimada somalia ee yimid kadib shirkii carta waxa uu muuqdaa mid haya dhaba laysku haleeyn karo Iyadoo Somalia ay wado dheer ooy la dhibtooneeysay u soo martay sidii ay u arki lahayd ku sii socosho hakad la,aan ah oo ku aadan waayaheeda dowladnimo.
Daddaal nafhurnimo leh oo uu sameeyay R/wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa udub dhaxaad u noqday waxyaabaha somalia ka Samata bixiyay dhibaatooyinkii ku hareereysnaa Doorasho farmaajo kala kulantay dib u dhacyo badan .
Shaki kuma jiro In qofkasta oo dib u jaleeca raadkii ay soo martay doorashadii dalka looga badbaadiyay dagaalo sokeeye In uu Raysilwasaare Rooble uu ugu mahad,celin doono doorkiisii ku aadanaa Somalia in ay u baxdo dimoqoraadiyad iyo dowlad ku qotonta isku,wareejinaya talada dalka si,nabdoon.
Raysiwasaarihii hore ee Somalia Maxamed Xuseen Rooble oo ku guuleeystay in Somalia uu ka gudbiyo Mashaakilkii doorashada ee uu riixay farmaajo oo mar wadanka qarka u saaray in uu dib ugu laabto masiibo colaadeed oo kursi isku dhajin salka ku heeysa, ayaan lagu arkin shirara dibindaabyeeynta dalka, sida ay sameeyeen qaar ka mida madaxdii hore ee dalka.
Cumar c/rashiid , Cali maxmed geedi iyo C/wali cali gaas ayaa la wadaga dareenkaas Rooble, kuwaas oo dhamaantooda dowlada maanta jirta ee Xasan _2⃣ ku amaana horumarka mudada gaaban ee dalku gaaray iyadoo ay jirto difaaca dal ay itoobiyanku damaaciyeen iyo dagaal ka dhan ah Argagixisada Alshabaab