4″ April 2022″ Radio kulmiye
Generaal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xoogga ayaa ka digay in Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu awood ciidan dalka kula wareego dalka, isaga oo adeegsanaya Ciidamada Dowladda.
Indhacadde ayaa sheegay in uu helay xogo ku aadan in 12 bishaan April ay Madaxtooyaddu qorsheynayso Afgembi lamid ah kii 21 October 1969 uu dalka uu kula wareegay Madaxaweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.
Sidoo kale, waxaa uu Ciidamada Xoogga uga digay in ay qeyb ka noqdaan dhibaateynta Shacabka.
Madaxtooyadda Soomaaliya kama jawaabin eedeynta Indhacadde.犀利士 p>
Hadalkan ka soo yeeray Gen Indhacadde ayaa ku soo aadaya Xilli ay gebo gabo mareyso Doorashada dalka, dhowaana la filayo in la doorto Guddoomiyeyaasha labada Gole ee Baarlamaanka, ka dibna lagu wada in la qabto Doorashada Madaxweynaha.c