28,November, 2020 Balladweyne”
Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle ayaa si xoog leh u kala eryay boqolaal shacab ah oo Banaanbax rabshado wata ka waday gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dadweyne kasoo horjeeda Maamulka Hirshabeelle ayaa isugu baxay waddooyinka Baladweyne, iyagoona ahaa kuwo aad uga careysan Doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar ee uu kusoo baxay Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan Milateriga dowladda ayaa tegay waddooyinkii ay ka socdeen banaanbaxa, isla markaana kala eryay dadkii dhigaayay Banaanbaxa, sidoo kalena gubayay taayaro waaweyn oo uuro madow ay ka baxeysay goobta.
Sidoo kale Ciidanka ayaa furay waddooyinka qaarkood oo saakay dad careysan ay ku xireen birro iyo dhagxaan, waxaana Saraakiisha la socota Ciidanka ay sheegeen in marnaba aysan aqbali doonin banaanbaxa ka dhaca Xarunta Gobolka Hiiraan.
Qaar kamid ah dadka dhigaaya banaanbaxa oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay inay taageero weyn u hataan Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame oo Maleeshiyaad hubeysan ku heysta duleedka Baladweyne, kaasi oo kasoo horjeeda Cali Guudlaawe iyo maamulkiisa.
Saacadihii lasoo dhaafay xaaladda Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa aheyd mid kacsanaan laga dareemayay, hayeeshee xaaladda ayaa degtay, waxaana waddooyinka lagu soo daadiyay Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya