Rabshado Ka Dhacay Golaha Shacabka Iyo Aqalka Sare oo Ka Hadlay

Kulan ay lahaayeen Xildhibaanada Labada Aqal ee Barlamaanka oo Buuq kusoo Idlaaday

Kulan Maanta oo sabti ah Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku yeelan lahaayeen Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa buuq iyo sawaxan farabadan kusoo dhammaaday.

Ajedaha kulanka Maantra ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa xisaab xirka Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sanadkaan sii dhammaanaya ee 2023 iyo Akhrinta koowaad ee miisaaniyada sanadkan soo socda ee 2024.

Qaar kamid ah Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa kasoo horjeestay ajendayaasha la horkeenay Golaha, waxaana intaas kadib gudaha Xarunta Hargeysa ka bilowday buuq ay sameeyeen Xildhibaanada qaarkood.

Buuq iyo fowdo xoog leh kadib ayuu Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo shir guddoomin lahaa fadhiga soo xiray kulankii, waxaana lagu kala tegay fadhigii, iyadoo aan kulankii la furin wax shaqo ahna bilaabin.

Aqalka Sare Oo Si Kulul Uga Hadlay Rabshadihii Xarunta Golaha Shacabka

Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka carooday is-hortaag ay sheegeen in maanta lagu sameeyay kulanka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ah ka lahaaheen miisaaniyada dowladda

War saxaafadeed kasoo baxay a犀利士 qalka sare waxaa lagu sheegay in mudanayaasha golaha shacabka ay carqaladeeyeen fadhiga.maanta, iyagoo si cad u diiday inuu kulankaasi gudoomiyo gudoomiye Cabdi Xaashi.

Waxa ay tilmaameen ineysan qeyb ka eheyn rabshadihii fadhiga maanta hareeyay, iyagoo dalbaday in xal deg deg ah laga gaaro.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Aqalka Sare kasoo baxay:

Golaha Aqalka Sare, wuxuu ka xun yahay is hortaaggii ka dhacay Villa Hargeysa oo sababay in uu qabsoomi waayo kulanka wadajirka ahaa oo loogu ballansanaa in looga hadlo Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024-ka iyo Xisaab xirka Sanad Maaliyadeedka ku dhmaaday 31-ka Decenber 2022-ka.

Golaha Aqalka Sare oo ka duulaya xarafka oo qeexaya in ay Labada Aqal u gutaan si wadajir hawlaha ay waddagaan, wuxuu howlo shaqo u tegay Xarunta Golaha Shacabka Villa Hargeysa, balse, nasiib darro waxaa halkaas ka dhacay dhacdo aan ku habboonayn maqaamka iyo milgaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply