Rag hubeysan iyo alaab ay wadeen oo lagu qabtay MUQDISHO

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen degmada Gubadley ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu soo qabtay rag hubeysan oo waday Maan-dooriye.

Ragga lasoo qabtay oo 4 ka kooban ayaa lagu soo bandhigay saldhigga degmada Heliwaaa, halkaas oo lagu xiray, sida lag sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska.

Sida lagu sheegay warka Booliska raggan oo hubeysanaa ayaa waday ku dhowaad 10 loor oo Xashiish ah, isla markaana loo soo ekeysiiyay dhuxul.

Howlgal ay fuliyeen Ciidamada Amniga ee Gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay 4 eedeysane oo hubeysan iyo 7 Loor oo maan-dooriyaha Xashiishka ah oo ay ka ganacsanayeen, howlgalkaas ayaa caawa ka dhacay degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay

“Habeenadii lasoo dhaafay ciidamada amniga ee caasimadda Muqdisho ayaa waday howlgallo culus oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka-dooriya, si looga hor tago dhibaatada ay bulshada u geysan karaan”.

Horay maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya hay’adaha amniga ayaa digniino culus uga soo saaray ka ganacsiga maan-dooriyaha iyo goobaha lagu isticmaalo ee caasimada.