October 24, 2021″ Muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Ra’iisal wasaare Rooble iyo Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa ka wada hadlay xaaladaha bani’aadnimo ee dalka iyo sidii loo gargaari lahaa dadka ku nool deegaannad犀利士 a ay abaaruhu saameeyeen.

Kulankan ayaa daba socda baaq uu Ra’iisal wasaaraha u diray hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamkan oo ku aadan in ay deg deg ugu gurmadaan dadka abaaruhu aafeeyeen ee ku nool Jubaland iyo deegaanno kale oo dalka ah.
