Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka qayb galay kulan duco ah oo lagu xusayay Shuhadadii ku shahiiday qaraxii lala beegsaday shacabka Soomaaliyeed ee ka dhacay Soobe, ayaa culimada ugu baaqay in bulshada ay ku hagaan sidii loo dabar jari lahaa fikirka xagjirka.
Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuska 14 oktoobar ayaa sheegay in qoys walba oo Soomaaliyeed ay gaartay dhibaatada ka dhalatay falkaas murugada leh ee ay ku shahiideen boqollaal muwaadiniin ah oo u taagnaa dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.
“Culimada Soomaaliyeed waxa ay kaalin muhiim ah kaga jiraan bulshada, sidaas awgeed waxaan ka codsanayaa inay xoojiyaan dadaalkooda ay kaga wacyigeliyaan halista fikirka waxa loogu yeero argagixisada, si ubadkeenna wax ka barta madaarista quraanka loogu barbaariyo qiyamka udub-dhexaadka u ah diinteenna iyo in bulshada Soomaaliyeed u iftiimiyaan” ayuu yi RW Rooble.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso tayeynta ciidanka, si ay dalka guud ahaan uga saaraan Al-shabaab, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan shacabka.