26 Jan 2023″ AP”
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa booqday dalka ay dariska yihiin ee Sudan Khamiistii isagoo kulamo la qaatay taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhaan, waana booqashadii ugu horeysay ee uu ku tago Khartoum tan iyo sanadkii 2021-kii inqilaab militari oo halkaasi ka dhacay.
Xidhiidhka u dhexeeya dalalka dariska ah ee Geeska Afrika ayaa sannadihii u dambeeyay waxa ka taagnaa xiisado ay ka mid yihiin muran dhinaca xuduudka ah iyo qaxootiga ka soo qaxay colaadda labada sannadood ka socotay waqooyiga Itoobiya.
Golaha madaxbanaanida ee haya talada Sudan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Burhaan iyo Abiy ay yeesheen wadahadalo ku saabsan “siyaabaha lagu xoojin karo loona wanaajin karo xiriirka labada dhinac”.
Abiy iyo Burhaan waxay ku kulmeen Itoobiya bishii Oktoobar, laakiin Abiy wuxuu booqday Suudaan ugu dambeysay Ogosto 2020, xilligaas oo ay jirtay dowladdii kumeelgaarka ahayd ee Ra’iisul Wasaarihii hore Abdalla Hamdok.
Xiisada u dhaxaysa Khartoum iyo Addis Ababa ayaa cirka isku sii shareertay ka dib khilaafkii bishii Nofembar 2020 ka dhex qarxay dawladda federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF).
Bishii Nofembar, dawladda Itoobiya waxay heshiis nabadeed la gashay kooxda TPLF si loo soo afjaro dagaalka labada sano ah, sida uu Maraykanku sheegay, waxaa ku dhintay dad gaadhaya 500,000 oo qof. Dagaalku wuxuu dhaliyay dhibaato bini’aadantinimo oo daran.
Xidhiidhka u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya ayaa sidoo kale sannadihii u dambeeyay aad u xumaaday oo ku saabsan Al-Fashaxa, oo ah dhul barwaaqo ah oo ay beeraley Itoobiya muddo dheer ku taalay, balse Suudaan ay sheeganayso, taasoo dhalisay isku dhacyo goosgoos ah oo ay dad ku dhinteen.
Waxa ay dhexda u galisay xurguf ballaadhan oo ku saabsan dhulka iyo biyaha, gaar ahaan waxa kiciyey biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya ee webiga Niilka Buluuga ah.
Sudan iyo Masar, oo labaduba ah wadamada hoose ee wabiga Niil, ayaa ka soo horjeeda biyo xidheenka Grand Renaissance Dam ee Itoobiya waxayna dabada ka riixayeen heshiis ku saabsan buuxinta kaydka biyaha iyo hawlaha biyo xidheenka.