19″ June “2022” Muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa kulamo gaar ah la qaadanaya Xildhibaannada, ka hor inta aan la hor-geyn Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, si loogu qaado codka Kalsoonida.
Xamse ayaa maanta kulan la yeeshay Xildhibaannada Baarlamaanka ee laga soo doortay Maamulka Hirshabeelle, isaga oo ka codsaday in ay siiyaan codkooda maalinta Kalsoonida loo qaadayo.
Ilo ku dhow kulanka Xamse iyo Xildhibaanada ayaa sheegaya in ay ka ballan qaadeen si buuxda codkooda, isla markaasna ay wadajir ula shaqeyn nayaan Xukumadda uu soo dhisi doono.
Sida qorshaha yahay maalinta Arbacada ayaa la filayaa in Golaha Shacabka ay yeeshaan fadhi kalsoonida loogu qaadayo Ra’iisul wasaaraha Magacaa壯陽藥 ban Xamse Cabdi Barre.