24″ June 2022″ Muqdisho
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sabtida codka kalsoonida u qaadaya Ra’iisul wasaaraha magacaaban, Xamse Cabdi Barre.
Kulanka Xildhibaannada ayaa waxaa uu ka dhacaya Xarruunta Kumeel-gaarka ee Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, sida lagu shaaciyay farriin loo dooray壯陽藥 Xildhibaannada.
Maalintii Arbacada ee la soo dhaafay ayaa lagu waday in la qabto kulan kalsoonida loogu qaadayo Ra’iisul wasaaraha magacaaban, balse waxaa uu u baaqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shiikh Aadan Madoobe oo dalka ka maqnaa.